3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Kulan lagu taageerayay fatwadii laga soo saaray shirkii culimada oo Maanta lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Kulan lagu taageerayay fatwadii laga soo saaray shirkii culumaa'uddiinka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dalbaday in la dhaqan geliyo qodobbadii kasoo baxay shirkii culimada ee shanta maalmood ka socday Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qayb galay mashaa’ikh kala duwan, iyagoo sheegay inay u dhaqan gelin doonaan qodobbadaas sida waafaqsan shareecada Islaamka.

Sheekh C/qaadir Soomow oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ayidayaan fatwada laga soo saaray shirkii culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho, isagoo xusay inay rajeynayaan inay noqdan kuwo dhaxal-gal ah.

"Waxaan taageersannahay soona dhaweynaynaa fatwadii kasoo baxday shirkii culimada, waxaanna rajeynayaa in miraha shirkaas ay Soomaalidu guran doonto dhawaan. Aragtiyaha shirkaas qayb ayay ka ahayd Ahlusunna, go'aannadii laga qaatay Al-shabaab waa taageereynaa, culummadu waxay isku raaceen in Al-shabaab ay yihiin cadawga dadka, diinta iyo dalka, hadday fiiriyeen Qur’aanka iyo in dhaqankooda uusan mid Islaam ahayn,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Muuse Macallin Axmed oo isna codkiisa ku biiriyay inay taageerayaan fatwada culimada, isla markaana ay ahayd markii ugu horreysay oo mashaa’ikh isaga timid gudaha dalka iyo dibadda ay shir noocan oo kale ah ku yeeshaan Muqdisho.

"Fatwadii ugu horreysay waxaa kasoo saaray Cali Bin Abii Daalib oo gartay dhibka nimankii khawaarijta ahaa aadna ula dagaalamay, fatwadani ma cusba, balse waa wanaagsan tahay in culimadu ay shiraan oo fatwo soo saaraan, runtiina mowiqf muhiim oo la qaatay ayuu ahaa," ayuu yiri Sheekh Muuse Cagaweyne.

Sheekh Axmed Shuqul oo isna hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo fatwada, isagoo xusay inay marka hore tahay in shacabka, culumada iyo dowladduba ay  meel uga soo wada jeestaan Al-shabaab, arrintaasoo uu tilmaamay inay tahay ah midda looga adkaan karo.

"Tani waa markii ugu horreysay oo culimada Soomaaliyeed ay go’aan ay ku mideysan yihiin oo Al-shabaab looga hortagayo soo saaraan, waxaana loo baahan yahay inay shacabku maqlaan codkaas, dowladda iyo culumada iyo qaybaha bulshada ay wadashaqeyn yeeshaan, waana muhiim in mowqif adag laga qaato Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay culumaa'uddiin dhowr ah kuwaasoo muujinayay sida ay raalliga uga yihiin fatwada lasoo saaray, waxayna ku baaqayeen in la dhaqan geliyo, shacabka Soomaaliyeedna ay midoobaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/14/2013 3:02 PM EST
Sabti, September 14, 2013(HOL) :- Sakariye Yaquub Cabdi waa Wiil 4 sano jir ah ,waxuuna dhashey sanadkii 2010kii,isagoona ku dhashey Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo,waxuuna tan iyo markii uu dhashey uu la xanuunsan yahay Cudurka Neerfaha oo jirkiisa oo dhan saameeyey,mana fadhiisan karo,waxaana dhibaya wax cunista waxa keliya ee uu isticmaalo ayaa ah Caanaha oo cabitaankooda ay ku adagtahay.

9/14/2013 1:44 PM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dowladda kula jirta dagaal ayaa ka hadashay shir ay culummada Soomaaliyeed Muqdisho kusoo gabgabeeyeen, shirkaas oo laga soo saaray fadwo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

9/14/2013 11:49 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Fannaanada weyn ee Soomaaliyeed, Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah oo weyn loogu sameeyay xarunta Rugta ganacsiga Soomaaliyeed, iyadoo kulan la qaadatay mas’uuliyiinta rugta.

9/14/2013 11:19 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ayaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta ah ee soo socota ku saxiixaan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium heshiis ku saabsan dib u dhiska Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sano ah, iyadoo ay saraakiisha Midowga Yurub sheegeen in dib u dhiskaas ay ku bixi doonto in ka badan hal bilyan oo EURO.

9/14/2013 11:19 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dugsiga Tobabarka Saraakiisha Ciidamadda Militariga Somaliland ee Dararweyne ee gobolka Maroodi-jeex.

9/14/2013 9:42 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Hay’adda samafalka Hormuud Telecom Foundation ayaa iyadoo ka jawaabaysa codsiga qaar ka mid xoogsatada ku xamaalata gaari-gacannada ayaa 40 ruux oo ka mid ah waxay u qaybisay gaari-gacanno ay ku shaqeystaan.

9/14/2013 8:47 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socta ciidamada booliiska howlgalka midowgga Africa AMISOM oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan waxaa ay la qaateen mas'uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada booliiska maamulka iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

9/14/2013 8:37 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Iskaashatada gaadiidka BL-ka ee gobolka Bari, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey ammarro ay dhowaan si wada jir ah usoo saareen wasaaradaha amniga; howlaha guud iyo gaadiidka iyo taliska ciidamada booliska ee Puntland.

9/14/2013 8:30 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo hogaamiyamaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) ayaa maanta ka duulay magaalada Kismaayo, waxaana wafdiga uu kusii jeeda magaalada Nairobi halkaasoo la filayo inuu uga sii ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Biljimka.

9/14/2013 7:56 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u cambaareeyay qaxayadii dhacaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Kismaayo ee ay dadka badan naftooda ku waayeen, isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo axmaqnimo ah oo lagu dilay dad shacab ah.

9/14/2013 3:16 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Samalia, Nicholas Kay oo la hadlayay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa amaanay horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya, isagoo xusay inaan la oran karin dhibaatadii Soomaaliya way dhammaantay.

9/14/2013 2:40 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa waxay maanta kulan ay ku dhageysanayaan xaruntooda Muqdisho waxay ku dhageysan doonaan warbixinno ku saabsan xaaladaha gobollada dalka iyo nolosha dadka ku nool.

9/14/2013 2:21 AM EST
Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba bishii Ogoosto ee aynu soo dhaafnay, iyagoo labada dhinac ugu baaqay inay meel mariyaan qodobbadii heshiiskaas.