4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Saraakiishii ugu Horeeyay oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo dhawaan uu Tababar uga furmayo Dalka Turkiga

Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda tababar socon doona muddo hal sano ah uu ugu furmo dalka Turkiga, kaasoo qayb ka ah heshiiskii ay horay u gaareen dowladaha Soomaaliya iyo  Turkiga.

Saraakiishan oo tiradoodu tahay 120 ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo tababar ciidan ku qaata dalka Turkiga, tan iyo markii la ansixiyay heshiiskii ay gaareen wasaaradaha gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo dhigayey in Turkiga ay qayb mug leh ka qaataan dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.

“Maalin kahor ayay saraakiishan soo gaareen Turkiga, waxaana tababarkan uu qayb ka yahay tababarro ay Turkigu siin doonaan ciidamada xoogga dalka, waana tallaabo aanu soo dhaweynayno,” ayuu yiri xog-hayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Turkiga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo arrintan ka warbixinayay.

Turkiga ayaa wuxuu labadii sano ee ugu dambeysay ku howlanaa caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo lagu wado in howlo kale oo lagu dhisayo waddooyinka, isbitaallada iyo iskuullada Soomaaliya uu bilaha soo socda ka billaabo Muqdisho.

Xukuumadda Ankara ayaa dhawaan shaacisay inay dowladda Soomaaliya ka taageerayso dhinaca tababarrada ciidamada, kaddib markii safaaradda Turkiga ee Muqdisho lagu weeraray gaari miineysan, halkaasoo uu kaga dhintay mid ka mid ah saraakiishooda jooga Soomaaliya saddex kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa uga mahadceliyay Turkiga howlaha samafalka ah ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, xilli uu booqanayay isbitaalka Digfeer oo Turkigu uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay.

Dalka Turkiga ayaa tababarro bilooyin ah horay u siiyay ciidammo ka tirsan kuwa booliiska Soomaaliya oo isugu jiray haween iyo rag, kuwaasoo lasoo baray habka looga hortago falal-dambiyeedyada qarsoodiga ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya