4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Kulan lagu soo dhaweynayay Dan-jiraha cusub ee Somalia ay u magacowaday Midowga Yurub oo ka dhacay Brussels (SAWIRRO)


Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo shalay ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ayaa lagu soo dhaweeyay danjiraha cusub ee Soomaaliya u joogi doona Midowga Yurub (EU), Cali Siciid Fiqi, iyadoo shirkaas ay ka qayb galeen xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida  ee Belgium oo isugu jirey: mas'uuliyiin, culummo iyo odayaal.

Danjiraha soo dhaweyntiisa kaddib ayaa waxaa kulanka looga hadlay sidii loo qaban qaabin lahaa soo dhaweynta wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inay tagaan dalkaas toddobaadka soo socda; si ay uga qayb galaan shirka Brusells ka furmaya ee looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya.

Shirkan oo loogu magac-daray hirgsiga cusub ama (New Deal) ayaa waxaa si wadajir ah u shir-guddoomin doona madaxweynaha Somalia, madaxa u qaabilsan Midowga Yurub arrimaha siyaasadda, Catherin Ashton.

Magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa lagu wadaa inay tagaan boqollaal qof oo Soomaali ah oo ka kala imaan doona dalalka ku xeeran Belgium sida: Faransiiska, Holland, Luxamberg, UK iyo kuwo kasii fog.

Dadkii shirkaas kasoo qayb galay ayaa waxaa ka muuqday kalsooni ay u qabaan dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku dhiirri geliyay tallaabooyinka ay qaadeyso.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya