3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Dastuurka dib u eegis lagu sameynayo


Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in howsha ugu weyn ee hor taalla baarlamaanka ay tahay dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, kahor inta aan lagu ansixin afti dadweyne.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka u horyaallaan howlo adag oo ay ka mid tahay sidii dalkan lagu gaarsiin lahaa doorasho xor ah 2016, isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay dadaal badan arrintaas u galaan.

“Howlaha na horyaalla waxaa ka mid ah dib u eegista dastuurka dalka iyo sidii dalka lagu gaarsiin lahaa dimuqraadiyad iyo in dadku ay soo doortaan ciddii hoggaamin lahayd,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo ka hadlayay furitaankii kal-fadhigii saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in howshani ay tahay mid aad u adag balse ay rajeynayaan inay ku guuleysan doonaan, isagoo sheegay in maanta ay billaabayaan sidii howlahan ay ku noqon lahaayeen kuwo najaxa.

“Xildhibaannada waxaan ugu baaqayaa in howlaha horyaalla si ay uga miro-dhaliyaan looga baahan yahay in kulankooda maanta furmaya ay guntiga ugu xirtaan ka jibbo-keenidda howlaha horyaalla. Maadaama aan doonayno in dalkan aan ka saarno fowdada aanna gaarsiinno dimuqraadiyad ay dadku isku doortaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Jawaari.

Sannad kahor ayey ahayd markii ay baarlamaanku doorteen Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo dowladda Soomaaliya la sheegay inaysan wax badan ka qaban ballan-qaadyadii ay sameysay sida hagaajinta ammaanka guuud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isaguna shalay ka hadlay furitaankii kal-fadhigii saddexaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa qiray in baarlamaanku uu howlo badan qabtay, isagoo ku boorriyay xildhibaannada inay xukuumadda kula xisaabtamaan waxqabadkeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/11/2013 10:59 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka furmay maanta shirweynihii lagu dhisayo maamul goboleed, kaasoo si rasmi ah uga furmay xarunta baarlamaanka Soomaaliya uu ku lahaa Baydhabo.

9/11/2013 10:59 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeeediyey furitaanka shirka ka hortaga burcad-badeedda ee ka socda magaaladda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

9/11/2013 10:15 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay dalalka Jabuuti, Sucuudiga iyo Yemen, halkaasoo uu heshiisyo kala duwan kula soo saxiixday hay’addo iyo wadammo, waxaana safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

9/11/2013 9:36 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Somalialnd iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay inay shirkaddaas joojiso socdaalkii ay ku tegi jirtay Somaliland.

9/11/2013 9:35 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM, odayaal, waxgarad iyo qaar ka mid ah qurba joogta ka soo jeeda gobolka ayaa maanta kormeeray dhismaha mid ka mid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada Beledweyne.

9/11/2013 7:50 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ku toogatay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, laba dhallniyaro oo mid ka mid ah ay ku sheegeen inuu ahaa jaasuus u shaqeynayay dalal shisheeye inkastoo aysan sheegin magacyadooda, halka ruuxa kalena ay ku eedeeyeen inuu ahaa tuug dhacayay gaadiid xamuul ah oo ay ciidamadooda amnigu soo qabteen.

9/11/2013 5:07 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka KMG eee Jubba ayaa howlgallo ay xalay ilaa saaka ka sameeyeen gudaha magaalada Kismaayo ayay kusoo qabqabteen tiro dad ah oo ku eedeysan falal lidi ku ah ammaanka.

9/11/2013 3:33 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan milateriga Somalia ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda tababar socon doona muddo hal sano ah uu ugu furmo dalka Turkiga, kaasoo qayb ka ah heshiiskii ay horay u gaareen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.

9/11/2013 3:11 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Dubai oo ka tirsan imaaraadka carabta, halkaasoo uu ka furmayo shir looga hadlayo ka hortagga burcad-badeedda.

9/11/2013 3:02 AM EST
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo shalay ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ayaa lagu soo dhaweeyay danjiraha cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas, Cali Siciid Fiqi, iyadoo shirkaas ay ka qaygbaleen mas'uuliyiin, jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Belgium, culummo iyo odayaal.