4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Dalalka Soomaaliya iyo Yeman oo Maanta heshiis iskaashi ku kala saxiixday Magaalada Sanca ee Xarunta Yemen (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshiis iskaashi kula saxiixatay magaalada Sanca xukuumadda dalka Yemen kaddib kulammo maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ku yeelanayeen wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalka Yemen.

Iskaashiga ay kala saxiixdeen labada dala ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada ammaanka, siyaasadda, ganacsiga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada.

Heshiiskan oo ay goob-joog ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo ra’iisul wasaaraha dalka Yemen, Maxamed Saalim Basanduwa waxaa u kala saxiixay labada dal wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo wasiirka qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ee Yemen, Dr. Maxamed Al-Sacadi.

Heshiiska iskaashi ee labada dowladood ay maanta ku kala saxiixdeen Sanca wuxuuna xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya, kuwaa oo ay ka mid ahaayeen:

1.   Iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga.
2.   Iskaashiga dhinaca waxbarshada iyo dhaqanka, tacliinta sare iyo warbaahinta.
3.   Iskaashiga dhinaca siyaasadda, nabadgalyada, gaashaandhigga iyo cadaaladda.
4.   Iskaashiga dhinaca arrimaha bulshada iyo qoxootiga.

Waxaa heshiiskan fulintiisa u xil-saaran guddi heer wasiir ah oo ay kala hoggaaminayeen wasiiradda arrimaha dibadda ee labada dal, waxaana shirarkooda ay ku qabsan doonaan magaaladda Muqdisho iyo Sanca.

Waxaa kaloo la isla gartay in heshiiskan ay ka farcami doonaan heshiisyo gaar ah oo u dhexeeya wasaaradaha kala duwan ee labada dal oo si faah-faahsan u qeexi doona iskaashiga labo wasaaradood oo kasta.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya