4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2013
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in Mucaaradka dalkiisa uu Wadahadallo la furayo iyo Mucaaradka oo ka Hadlay


Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu la furo wadahadallo mucaaradka dalkiisa, iyadoo kooxaha mucaaradka ahina ay ka jawaabeen hadalka madaxweynaha.

Geelle ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay ee BBC-da, isagoo si kooban uga hadlayay shrikii London ee yabooha dhaqaale loogu raadinayay Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaalida la caawinayo, balse laga doonayo iyaga inay isku tashtaan oo ay dalkooda dib u dhistaan.

“Wadahadal ayaan la billaabaynaa mucaaradka, wadahadalkaasna wuu sii socon doonnaa, qof walbana xor ayuu u yahay inuu yiraahdo dowladda ayaan mucaaradayaa, laakiinse uma arko taasi inay tahay mid nakala kexeynaysa,” ayuu madaxweyne Geelle ku yiri warkiisa.

C/raxmaan Boorre oo ka mid ah mucaaradka dalka Jabuuti oo isguna BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen in madaxweynaha Jabuuti uu xilka isaga dago maadaama uu muddo dheer soo shaqeynayay wanaagna uu dalka u soo qabtay.

“Waxaan fiicnaan lahayd inuu iska nasto madaxweynaha maadaama uu muddo dheer soo shaqeynayay, mana ahan wax wanaagsan inuu dastuurka dalka bedelo oo uu ka dhigo mid iska furan,” ayuu yiri Boorre oo arrintaas ku sheegay inaysan lahayn xad u go’an inta jeer ee uu madaxweynuhu xilka isku soo sharrixi karo.

Boorre oo ganacsade weyn oo dalka Jabuuti si weyn looga yaqaan haddana ka mid ah mucaaradka dibad-joogga ah ayaa sidoo kale ka hadlay doorashadii baarlamaaniga ahayd ee Jabuuti ka dhacday sannadkii hore, taasoo ay guushu ku raacday isbahaysiga talada haya ee UMP.

“Doorashada sidii wanaagsanayd looma tiri, deegaan walba sida codadka loo kala helay lama sheegin. Mareykanka xirtaa wuxuu weydiistay madaxweyne Geelle inuu soo gudbiyo sida doorashada loogu kala guuleystay, marka way caddahay in doorashadaas aan si xalaal ah loo tiri,” ayuu Boorre hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, C/raxmaan Boorre wuxuu sheegay in dalka Jabuuti ay ku xiran yihiin hoggaamiyeyaal mucaarad ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Sheekh C/raxmaan Bashiir iyo Daahir Axmed Faarax (Daaf) oo labaduba ka mid ah isbahaysiga mucaaradka Jabuuti, kuwaasoo uu sheegay in loo xiray maxaad mucaaradka uga mid noqoteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya