4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London


Arboco, May 8, 2013 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey oo maalmahaan booqasho ku joogay magaalada Lodnon ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ee dalka Britain.

Kulankaas oo ka dhacay hoolka Westminister ee bartamaha magaalada London ayaa waxaa ka soo qayb-galay dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London.

Inta aysan hoolka soo galin madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas heeso wadani iyo guubaabo ah halkaas ka jeediyey fannaaniin caan ah oo ay ka mid-yihiin Maryan Mursal iyo Axmed Naaji Sacad. Waxaase xusid mudan wiil yar oo sideed jir ah  magaaladaan Londona ku dhashay oo halkaas ka aqriyey gabaygii Suldaan Timcade ee caan baxay haldhiga "Dugsi maleh Qabyaaldi waxay dumiso mooyaane"

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbadiisa waxay u badneyd ahmiyadda ay leedahay in ammaanka dalka la sugo. Wuxuuna sheegay in dhibaatada dalka ay sal u tahay ammaan darrida ka jirta dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Britain kaalmada hagar la'aanta ah oo ay siinayaan dalka Soomaaliya.

 "Dal burbur intaa la eg ku dhacay kaligii kama soo kabsan karo. Wuxuu mar walba u baahan yahay kaalmo shisheeye. Soomaaliya waxay maanta taagantahay halkii ay wadamada Yurub joogaan 1945. Burburkii dheeraa ee uu geestay dagaalkii labaad ee adduunka. Waxaase Soomaaliya u sii dheer argagixiso iyo burcad badeed. " ayuu yiri Madaxweney Xasan Sheekh.

Qudbadda Madaxweynaha ka hor ayaa waxaa halkaas ka hadlay Duqa magaalada Moqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo warbixin kooban ka bixiyey xaaladda magaalada Moqdisho. "Moqdisho dhibaatadii iyo rafaadkii waa ka baxday, magaalada dhismo ayaa ku socoda. Ha sugana in dad kale wax idiin dhiso. Horumarka Xamar adinka ayuu indin sugayaa" ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey mudane Tarsan.

Waxaa sidoo kale aydna halkaas ka hadashay Wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowzia Adan oo si wanaagsan uga warbixisay wasaaradda ay madaxda ka tahay iyo dhibaatooyinka hor-yaal.