4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo la Guddoonsiiyay Deeq ka timid Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle (SAWIRRO)


Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa ka gudoomay taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM Col Cismaan Dubad deeq  la soo gaarsiiyay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo ugu horeyn ka hadllay munaasabad lagu qabtay xerada ciidamada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in deeqdan la soo gaarsiiyay ciidamada si toos ah uga timid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sida uu sheegay ku farxay howlaha kala duwan ee ka socda magaalad gaar ahaan wax ka qabashada nabad-galyada oo siweyn leysugu howllay.

“Deeqdan waxaa ay ka kooban tahay dareys Isboorti, kabo iyo tuute loogu talagalay ciidamada, waxaana ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo runtii siweyn ugu qancay dadaalka ballaaran ee maamulka gobollka iyo ciidamada oo iskaashanaya loogu jiro sugida amniga,'' ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Taliyaha ciidamada dowladda Jabuuti ee AMISOM Col Cismaan Dubad ayaa ku wareejiyay deeqda ka timid madaxweynaha dalka Jabuuti guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.

Guddoomiyaha oo munaasabad ka hadllay ayaa u mahad celiyay madaxweynaha dalka Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas oo sida uu hadalka u dhigay is bar bartaag iyo walaalnimo dhab ah u muujiyay shacabka Soomaaliyeed waqtigii adkaa ee la soo maray, waxaana uu sheegay in deeqdan sare u qaadi doonto niyada ciidamada.

“Jabuuti iyo Soomaaliya xiriir ka dhaxeeya waa mid ka fog kana qota dheer kan dowladdaha kale aan la leenahay, waayo waa dad walaal ah oo aan wax kasta wadaagno, sidaa daraadeed mar walba waan xasuusan doonaa sida uga damqanayaa shacabka walaalahood ah ee Soomaaliyeed, waana uga mahad celinayaa madaxweynaha dalka Jabuuti kaalamadan uu ugu deeqay ciidamada.

Waxaa uu ku booriyay ciidamada maamulka gobollka in dareyska loogu deeqay ka faa'ideystaan, madaama ayu yiri askarigu marnaba ka maarmin jir dhiska iyo cayaaraha oo qeyb weyn ka qaadaneya caafimaadka.

“Sababta dareyskan Isboorti leydinku deeqay waa in Askariga iyo cayaaruhu marnaba kala marmin, sidaa daraadeed waan in aad ka faa'ideystaan oo waqtiyada aad fursada leedihiin jir dhis sameysaan, taasoo xitaa sahli karta in aad ka hartaan balwada qeybaheeda kala duwan,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobollka ayaa dhinaca kale uga mahad celiyay ciidamada maamulka gobollka Hiiraan sida wanaagsan oo ay uga qeyb-qaateen howlgalkii maalmihii ugu danbeeyay laga sameeyay xaaafaddaha magaalada Baladweyne oo lagu soo qab-qabtay hub iyo dad la tuhusan yahay.

Ugu dambeyn, isla munaasabadda ayaa loogu qeybiyay ciidamada deeqda ka timid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay halkaa ku soo bandhigeen ciidamada suugaan iyo erayo ay ku boogaadinayaa dowladda Jabuuti.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya