4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Shirka London oo si rasmi ah u furmay iyo Madaxweynaha Somalia oo hadal ka jeediyay Furitaankii Shirkaas (SAWIRRO)


Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Aqalka Lancaster ee magaalada London ee dalka Britain waxaa si rasmi ah uga furmay shirkii looga hadlayay horumarinta Soomaaliya; kaasoo ay kasoo qayb-galeen xubno ka socda illaa 58 dowladood iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamud iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa si wadajir ah u furay shirka una shir-gudoomin, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka jeediyay furitaanka shirka hadal uu ugu talogalay inuu kaga warbixiyo xaaladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay ra’iisul wasaaraha Britain iyo doorkiisa ku aaddan qabashada shirkan labaad ee Soomaaliya loo qabanayo si ay u hesho dhaqaale ay uga baxdo dhibaatooyinkii muddada dheer ay kusoo jirtay.

“Waxaa laga yaabaa in dadku is weydiiyo maxaa Soomaaliya waqtigan loo saacidayaa? Wallow ay jiraan horumarro baaxad leh, haddana weli waxaa taagan caqabado fara badan oo u baahan in laga saacido Soomaaliya,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalka uu ka jeediyay furitaanka shirka, isagoo tusaale u soo qaatay geed yar oo uu ku tallaalay madaxtooyada 17-kii Abriil oo ku beegnayd maalitii dhirta caalamka.



“Geedkaas yar wuxuu u baahan yahay in la waraabiyo oo laga celiyo cayayaanka inta uu ka baxayo oo uu geed weyn ka noqonayo. Sidoo kale Soomaaliya waa geedkaas oo kale oo u baahan in si joogta ah looga warqabo inta uu ka xidideysanayo oo marka uu baxana ay dad badan ku raaxeysan doonaan, Soomaaliyana waa sidaas si la mid ah.”

Madaxweynaha ayaa caalamka u sheegay in dowladda uu hoggaaminayo ay tahay mid caalamku uu kalsooni ku qabi karo qorshaheeda dhinaca amniga, garsoorka iyo dib-u-habeynta maaliyadda ay keeni karaan inay shacabka Soomaaliyeed ka saaraan dhibkii soo socday muddo 22-kii sano ee lasoo dhaafay shacabkuna ay heli doonaan horumar iyo barwaaqo.

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa ku ammaanay madaxweyne Soomaaliya iyo dowladda federaalka Soomaaliya horumarka baaxadda leh ee ay ka gaartay dhinacyo badan isagoo sheegay inay weli jiraan caqabado fara badan oo u baahan in caalamku uu ka saacido Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa shirka ka hadlya madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalign oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in laga caawiyo sidii ay dalkeeda uga saari lahayd dhibaatada soo jiitamaysay muddada 22-ka sano ka badan.





Axmed Gure, Hiiraan Online
[email protected]
London, Britain