4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: "Soomaaliya waxay u Baahan tahay Qorshe la mid ah Marshall Plan si ay u soo kabato"

Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan London ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa London oo lagu magacaabo Financial Times ayaa sheegay inay u baahan tahay Soomaaliya qorshe la mid ah kii dib loogu habeeyay Yurub ee Marshall Plan-ka loo yaqaan, si ay uga baxdo faqriga, colaadaha sokeeye iyo argagaxisada.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu ku boorriyay in ka badan 50 xubnood oo ka socda dalal calaamka qaarkood iyo ururro in Soomaaliya ay siiyaan gargaar dhameystiran, si uga kacsabto dhibaatooyinkii soo jiray muddada ka badan 20-ka sano.

“Soomaaliya maanta waxay maraysaa mid ka mid ah dhaawicii gaaray Yurub 1945-kii – waxaana ka socda dhaqdhaqaaq la mid ah kii Yurub looga saaray dhibaatada. Sidoo kale dhaqaale ahaan waxay maraysaa heerkaas oo kale,” ayuu Xasan u sheegay wargeyska Financial Times.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya la dhihi karo way ka daran yihiin kuwii xilligaas ka jiray Yurub, isagoo xusay inay la tacaalayso Soomaaliya argagaxiso iyo burcadbadeed oo aan xilligaas jirin.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan baahisay in macluushii ku dhuftay Somalia sannadihii 2011 iyo 2012 ay ku dhinteen 260,000 oo qof oo u badan caruur ay da’doodu ka yar tahay shan sano, waxaana eedda dhibaatadan ay dusha ka saareen Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay diiday in dadka macluushu ku dhufatay la gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in xadiga gargaarka la helo ay ku xiran tahay sida ay uga baxayaan dhibaatada dalkooda ka jirta. Isagoo xusay in hadda Muqdisho uu ka socdo dib u dhis, hareeraha waddooyinka waaweynna lagu arkayo dukaamo badan oo laga furay.

Wareysiga uu madaxweynuhu siiyay wargeyskan ayaa wuxuu dhacay xilli ay saacado uun kasoo wareegeen markii uu qarax dilay dad shacab ah uu ka dhacay bartamaha Muqdisho, kaasoo lala beegsaday samafalayaal dalka Qatar u dhashay.

“Waan u jeednaa inay sii dhammaanayaan calaamadihii isku-dhacyada… laakiin weerarrada noocan oo kale ah ida miinooyinka hareeraha jidadka la geliyo, ismiidaaminta waa kuwo weli sii socda, waana kuwo muujinaya in argagaxisada looga adkaaday dagaalladii tooska ahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in inkastoo khatar badan ay jirto haddana uu dalku uu horay u sii socdo uunka kasii xaluulanayo maalmihii madoobaa ee fowdada.

“Waxaan codsanaynaa qorshe la mid ah Marshall Plan – waxaan doonaynaa in dalalka caalamka ee aan saxiibbada nahay ay sidii Yurub loo caawiyay oo kale,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri Wareysigiisa.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka baxayso 22-sano oo colaado ah, loogana baahan yahay caalamka inay ka geystaan gacan sidii lagu badbaadin lahaa Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen., Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya