4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Maamulka Gobolka Bay iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Qanshax-dheere

Talaado, May 07, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Bay iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal shalay ku dhexmaray duleedka degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay, dagaalkaas oo la sheegayo inay ku dhinteen lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaan dhowr kiiloo-mitir u jira degmada iyadoo la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka kala duwan mudada yar ee uu dagaalku socday.

“Muddo kooban oo dagaal ah kaddib waxaan ku guuleysannay inaan cadowgii kala erinno, waxaana ka dilnay afar nin hub u badan qoryaha fudud oo ay tuureen markii ay cararayeenna waan kala harnay,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka howgallada ee Al-shabaab.

Afhayeenku wuxuu sheegay in weerarka ay iyagu qaadeen, kaddib markii ay ka warheleen in ciidamada dowladdu ay halkaas ka wadeen dhac iyo kufsi ay dad shacab ah u geysanayeen, ayna ku guuleysteen inay kala eryaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Qansax-dheere, Aadan Cabdi oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay iyagu qaadeen ayna dhib ugu geysteen Al-shabaab isagoo xusay inay dhankooda kaga dhinteen dagaalka laba askari.

“Dagaalka wuxuu ahaa mid muddo kooban socday, waxaan kaga hortagnay baad ay Al-shabaab ka qaadaysay dadka shacabka ah, waxaan halkaas kaga dilnay shan dagaalayahan afar kalena waan kaga dhaawacnay. Dhankeenna laba askari ayaa naga dhintay dhaawacna ma jiro,” ayuu yiri Cabdi Aadan oo isaguna ka warbixinayay dagaalka.

Marka laga soo tago sheegashooyinka labada dhinac, dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen maydadka lix ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, ayna jiraan dhaawacyo la qaaday, iyagoo sheegay in deegaanka lagu dagaalamay aysan ku sugnayn labadii dhinac ee dagaalamay.

Maxamed Xaaji Xuseen., Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya