4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 7 , 2013
Dacwad Xasaasi ah oo ku saabsan Xayawaan la isku Haysto oo Maxkamada Deegaanka Gabiley ka socota iyo Kiiska oo fidaya

Talaado, May 07, 2013 (HOL) —Maxkamadda degmadda Gabiley ayaa loo soo gudbiyey dacwad xasaasiyad dhalisay oo la xidhiidha xayaawaano dad shacab ahi isku haystaan, haseyeeshee arrintii murugtay ka dib markii wasaaradda Deeganka Somaliland oo loo dhiibay ay maxkamaddii u sheegtay in xayawaankii dhinteen.

Kiiskan oo ah shan xayawaan oo iskugu jiray hareemo Cad  iyo libaaxyo laga soo iibsaday meel ka baxsan Somaliland, ayaa waxa isku qabsaday kuwii watay iyo qolooyin dilaaliin ah, ka dibna dacwadoodii loo soo gudbiyey maxkamadda degmada Gabiley, haseyeeshee maxkamaddii loo keenay xayawaankan ay sheegtay in aanay meel ay ku hayso haynin xayawaankan, balse inta lagu kala baxayo loo dhiibo wasaaradda deegaanka si ay u sii hayso si ku meel gaadh ah.

Maxkamaddan oo doraad Sabtidii dacwadan bilowday ayey wasaaradii deegaanka oo laga rabay inay keento xayawaankii ay madashii keentay saddex kartoon oo dhogor ku jiraan iyo xawaan bakhti ah oo ay ku tilmaamtay inay yihiin dugaagii loo dhiibay oo bakhtiyey.


Haseyeeshee dadkii lahaa xayawaankan ayaa sheegay in xayawaankoodu ahaa shan dugaag ah, isla markaana aanay ku qanacsanayn dhogorta iyo bakhtigan loo keenay maadaama oo aanay u eekeen xayawaankoodii.

Sidoo kale dadkii xayawaankan watay waxay ku doodayaan in maalmo ka hor uu xeer ilaalintii kiiskan waday uu sheegay inay duugaagoodii nool yahay, halka wasaaradda deegaankuna ku doodayso inay bishii hore wada dhinteen dugaagi loo dhiibay, waxaanay maxkamaddii keeneen waraaq ay sheegeen inuu wasiirka Deegaanku ku cadaynayo dhimashadda xayawaankan, taasina waxay keentay in xaajadii isbedesho, isla markaana dhinacyaddii shacabka ahaa ee markii hore isku haystay ay u arkaan in wasaaradda deegaanku damacday,isla markaana xeer ilaalinta dacwada soo oogtay shuraako kula tahay, iyagoo dadkii xayawaanka lahaa sida la sheegay diideen bakhtiga duggaagii nolosha lagaga qaaday.

Sidoo kale waxay illo wareedyo u dhuun dalloolla kiisan oo aanu la xidhiidhnay sheegeen in looyarkii u doodayey dadka xayawaanka leh uu xusay inuu khaldan yahay magaca wasiirka ee qoladda deegaanku sheegtay inuu marag ka yahay oo uu cadaynayo dhimashadda xayawaanka loo dhiibay.

Dadweynaha magaaladda Gabiley ayaa kiiskan isha ku haya, isla markaana qaabka ay u socdo iyo sidaa arrintaasi wax looga qabanayo fiirinaya, sidoo kale waxa iyaguna tuhunka sii abuuray wakhtiga ay sheegeen inay dhinteen xayawaanka oo ah dhawr cisho oo isku xigxiga, waxa kale oo dadkii lahaa xayawaankana ku andacoonayaan in dhogortan kartoonka ku jiraa iyo raqda  xayawaankuba ay dadkii arkay ku tilmaameen in aanay xayawaankoogii ahayn ee raqdani u eegtahay bisad la soo dilay oo la doonayo in xoolahoogii lagu dhaco oo aanay xayawaaankoodii ahayn.

Sidoo kale, dadka xayawaankan watay ayaa sheegay in markii saldhiga Wajaale la keenay xayawaanku ahaayeen shan xayawaan, laakiin markii Gabiley loo soo gudbinayey ay saldhiga Wajaale sheegeen inuu mid dhintay oo ay afar soo gudbiyeen, halka wasaarada deegaankuna ku doodayso in sadex xayawaan loo dhiibay.

Dadka xayawaanka watay ayaa qaarkood ku doodayaan inay lacag badan ku joogto xayawaankan, isla markaana ay soo iibsadeen, haseyeeshee markii Wajaale yimaadeen oo ay dooneen inay dib u iibiyaan ay diilaaliintii iyo dad kale oo iibsanayey isku dhaceen taasna ay keentay in saldhiga Wajaale la keeno xayawaankii, iyaguna ay usoo gudbiyeen maxkamadda degmadda Gabiley .

Dacwadan oo muddo laba bilood ah socotay, ayey ahayd in maalinti sabtidii la furo kiiskooda, haseyeshee waxa baajiyey markii maxkamadii la keenay sadex kartoon oo lagu sheegay inay gabi ahaanba xayawaankii loo dhiibay dhinteen, waxaana maxkamadda horteeda keenay agaasimaha wasaarada deeganka u qaabilsan Duurjoogta.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa xamaasad ka abuurtay magaaladda Gabiley, isla markaana si dareen leh ula socdaan qaabka dacwadaasi loo qaado iyo siday u xaliso maxkamadda degmadda Gabiley, inkastoo in dugaagga laga baayacmushatareeya ay dambi tahay, haseyeeshee iyadoo dacwaddii dhamaan ayey daraf kale oo ku doodaya in wixii loo dhiibay dhinteen soo galleen dacwaddii.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland