4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Mowqifka Dowladda ee ku Aaddan Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka


Axad, May 26, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay maanta mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, isagoo sheegay in loo marayo qodobbo ay horay dowladdu u dejisay.

Mudane Saacid oo u warramayay BBC-da ayaa xusay in siyaasadda cad ee ay dowladdu u dajisay habka maamul u sameynta Jubbooyinka ay yihiin shan qodob, wax walba oo qodobbadaas ka horimaanayana aysan soo dhaweyn doonin aqbalinna doonin.

“Dowladdu siyaasad cad ayay ka qaadatay maamul sameynta Jubbooyinka, horay ayaana u sheegay haddana waan ku celinayaa, waxayna kala yihiin qodobbadaas: Shaqo kasta oo maamul u sameyn ah waa inay dowladdu hoggaanka u qabato. Wax kasta oo la sameynayo waa inay noqdaan wax ay dadku u dhan yihiin, waxaana fulinteeda iska leh xukuumadda. Wax walba oo la sameynayo waa inay noqdaan kuwo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u dagsan waafaqsan. Howl walba oo qabsoomaysa waa inaysan dhalin khilaaf dadka ama beelaha dhexdooda ah oo horseedi karta in argagaxisadu fursad hesho. Tan ugu dambeysana waa inaan IGAD iyo caalamka warbixin ka siinno waxa aan isku waafaqsannahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaraha oo la weydiiyay maadaama lagu diidan yahay qodobbada uu sheegay oo xiisadina ay jirto inay arrinta si kale u eegaan. Wuxuuna kaga jawaabay su’aashaas: “Waxaan hubaa in qodobbadaas ay yihiin kuwo ay inta badan dadka Jubbooyinka ku nool ku faraxsan yihiin, shacabka Jubbooyinka ku noolna waxaan u sheegayaa inay xaqiiqsadaan in wax ay dowladdu u soo waddo ay yihiin wax dawo u ah; ayna isgarab taagaan.”

Su’aal ahayd sida uu yahay maamulka ay u wadaan Jubbooyinka ayuu kaga jawaabay: “Ma jiraan wax aan dadka Jubbooyinka ku nool u wadno, laakiin waxaan dhex-dhigi doonnaa shantan qodob ra’yigooda ayaana dhageysan doonaan.”

“Dowladdu waxay aqbali doontaa sida dadku wax u rabaan iyadoo waxaas la waafajinayo dastuurka dalka, waxaana dadka ula imaan doonnaa Qorshe howleed (Roadmap), balse sida ay wax u dhacayaan iyo cidda la dooranayo innagu mas’uul kama noqon doonno mana keeni doonno, balse wixii iyagu ay doonayaan oo keliya ayaan maamulaynaa,” ayuu ra’iisul wasaaruhu kusoo gabgabeeyay hadalkiisa.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo shirkii urur-goboleedka IGAD ee maalin ka hor ka dhacay Addis Ababa lagu go’aamiyay in dowladda Soomaaliya ay qabato shir ay isugu keenayso dhamaan shacabka ku nool Jubbooyinka si ay maamullo ay u sameystaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya