4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2013
Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ku Dagaalamay Deegaan ku yaal xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya

Axad, May 26, 2012(HOL) :- Dagaal culus ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Dhamaajaaleey oo ku yaal gudaha xadka ay Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana dagaalkaasi uu u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo cutubyo katirsan ciidamada Kenya oo ku sugnaa halkaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaa xalay saqdii dhexe deegaankaasi weerar xooggan oo gaadmo ah ku qaaday dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana dagaal culus uu gudaha deegaanka ku dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab ee weerarka qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay ku dileen ilaa todobo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, askar kalena ay ku qafaasheen, waxayna sidoo kale sheegeen in ay la wareegeen saaanad Militari oo ay ciidamadaasi lahaayeen.

Dhanka ciidamada Kenya ilaa imika ma jiro wax war ah oo arintaasi ku saabsan oo kasoo baxay, haseyeeshee dadka deegaanka Dhamaajaaleey ayaa HOL u xaqiijiyay in Al-shabaab ay xalay soo weerareen deegaanka islamarkaasina uu gudaha deegaanka ka dhacay dagaal xoogga.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya ay Al-shabaab kala wareegeen qeybo ka tirsan gobolka J/hoose waxaa isa soo tarayay weerarrada gaadmada ah oo ay Al-shabaab la beegsadaan saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin gobolka J/hoose, iyagoona sidoo kale weerro la beegsada deegaanada xuduuda ku yaal ee dalka Kenya.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.