3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad uu kaga hadlay Ammaanka, Shirka Kismaayo iyo Shirka London ka jeediyay Baarlamaanka


Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad uu ka jeediyay kulan gaar ah oo uu baarlamaanka Soomaaliya maanta oo Khamiis ah; wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, ammaanka iyo waddooyinka xiran, shirka maamul u sameynta Jubbooyinka iyo shirka London ee toddobaadka dambe furmaya.

Kulanka baarlamaanka oo uu shir-guddoominayay ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxaas oo xaadiray 180-xildhibaan, kuwaasoo dhageystay khudbad soconaysay muddo saacad ka badan oo uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Amniga iyo Waddooyinka Muqdisho ee xiran:

“Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howgallo ay lagu adkeynayo amniga, waan la soconnaa cabashooyinka dadka ka imaanaya iyo culeyska haysta, balse waxaa ka darnaan lahayd; laakiin dhibaatooyinka laga hortagay ayaa ka xanuun badnaan lahaa inay dhacaan,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadal ku saabsan waddooyinka Muqdisho ee la xiray.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dad badan ay shaqooyinkooda ka xayirmeen ay haddana ka darnaan lahayd inay dhacaan qorshayaal badan oo la fashiliyay, kuwaasoo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan.

“Xanuunkii maalin dhaweyd na-gaaray dartiis ma ogolaan karno inaan fursad kale bixinno, go’aanka lagu xiray waddooyinka ee lagu adkeynayo amnigana waa mid ay gaareen hay’adaha ammaanka aniguna aan ku raacay,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waxaa la fashiliyay abaabul waaweyn oo la doonayay in dhiig badan lagu daadiyo, kuwo kalena waa lagu dabo-jiraa, shacabka waxaan u sheegayaan in xayiraddooda ay ka daran tahay in ay dhacaan qorshayaashii la maleegay, kuwaasoo ciidamada amniga uu Alle ku garabsiiyay inay fashiliyaan.

Shirka ka socda Kismaayo:

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirka ka socda Kismaayo ee lagu sameynayo maamulka Jubaland, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid aanay dowladda federaalka aysan taageersanayn, balse aysan dowladdu diidanayn in dalka laga hirgeliyo maamullo federaali ah cid diiddan ama diidi kartana aysan jirin.

“Dowladdu dhowr jeer ayay wafdiyo u dirtay Kismaayo kuwaasoo wadahadal la yeeshay dadka wada  shirkaas, hase yeesheen waxaa jira arrin dastuuri ah oo aysan dowladdu ka horimaan karin. Maadaama waajibka dowladda uu yahay meel marinta nidaamka federaalka ah waxaan xoojinaynaa in dadka la siiyo awoodda oo ay dhistaan maamullo ay iyagu raalli ka yihiin, waase in la waafajiyo dastuurka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdu ay marba suurogal u ahayn inay aqbasho go’aan hal dhinac ah, balse ay doonayso go’aan loo dhan yahay oo ay qayb ka yihiin hay’adaha dowladda iyo shacabka maamulka sameysanaya, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dowladdu ay raalli ka tahay wixii ay shacabku doonayaan.

Shirka lagu qabanayo London:

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbaddiisa sii wata ayaa wuxuu ka hadlay shirka London lagu qabanayo 07-da bishan May, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid ka duwan shirkii horay loogu qabtay London bishii Febeaayo ee sannadkii hore ee 2012.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa mid ay dowladda Britain u qabtay Soomaaliya, balse shirkan uu yahay mid ay abaabuleeda leeyihiin UK iyo dowladda Soomaaliya si caalamku u caawiyo Soomaaliya.

“Shirkan waxaa casuumaddiisa fidiyay aniga (Xasan Sheekh) iyo ra’iisul wasaaraha UK, waxaana horgeynaynaa qodobbo ay dowladdu dejisay oo ay ka mid yihiin lixda qodob ee dowladda saldhigga u ah iyo qodobobo kale oo ay ka mid yihiin; qorshayaasheenna amniga, cadaaladda, maareynta maaliyadda iyo aragtida siyaasadeed ee dalka oo dhan lagu hananayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka ay horgeyn doonaan qorshe ku saabsan dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo kufsiga isagoo sheegay inuu rajeynayo in shirkaas ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda UK ay noqotay dowladdii ugu horreysay oo shir lagu caawinayo Soomaaliya ku qabato London 22-sano kaddib, iyadoo Soomaalida ogolaata inay hoggaanka shirka qabtaan, wuxuuna xusay in shirkaas ay barbar socon doonaan oo lagu xoojinayo shirkan.

Xildhibaannadii kulanka kasoo qaybgalay ayaa si aad ah ugu riyaaqay sida uu madaxweynuhu faahfaahinta uga bixiyay dhamaan qodobbadii uu ka hadlay; iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo madaxweynuhu uu ka horjeediyo baarlamaanka howlaha dowladda u qasboomay iyo kuwa u dhiman tan iyo markii xilkan loo doortay sideed bilood ka hor.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/2/2013 7:58 PM EST
Sharaf weyn bey ii tahay inaan mar-kale idin hor-imaado si aan warbixin kooban idinkaga siiyo xaaladda guud ee dalka, horumarka siyaasadda, Aragtida fog ee aan wada hiigsaneyno iyo inaan idin la wadaago warbixinta shirka London ee 7da May.

5/2/2013 8:27 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay magacaabidda taliyeyaasha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka booliiska Soomaaliya.

5/2/2013 7:32 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegay inay 18-qof oo Al-shabaab ka tirsan ay gacanta ku hayaan, kuwaasoo horay loogu riday xukun maxkamadeed, balse rafcaan ka qaatay, mar labaadna ay qaar ka mid ah maxkamaddu ku ridday xukun.

5/2/2013 2:08 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu yeesho kulan ay warbixinno uga dhageysan doonaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

5/2/2013 1:59 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa maalintii saddexaad xiran; iyadoo Al-shabaab ay xirnaashahaas ku tilmaantay mid lagu curyaaminayo shacabka ku nool caasimadda Somalia ee Muqdisho.

5/2/2013 1:56 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameysay guddoomiyihii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, Daahir Xasan Xuseen, iyadoo xilkaas u magacowday gudodomiye cusub.