3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2013
Puntland oo sheegtay inay gacanta ku hayso 18 qof oo ka tirsan Al-shabaab dhawaanna ay xukunno dil ah ku filin doonto

Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegay inay 18-qof oo Al-shabaab ka tirsan ay gacanta ku hayaan, kuwaasoo horay loogu riday xukun maxkamadeed, balse rafcaan ka qaatay, mar labaadna ay qaar ka mid ah maxkamaddu ku ridday xukun.

Wasiirka ammaanka Puntland, Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 18-ruux ay ku fulin doonaan xukunno marka ay soo xiranto maxkamadeyntooda, wuxuuna xusay in ammaanka Puntland uu ku jiro in la marsiiyo qofkii dambi-geysta sharciga.

“Puntland waxay gacanta ku haysaa 18-ruux oo ka tirsan Al-shabaab horay ayay maxkamadi u xukuntay waxayna ka qaateen rafcaan, balse mar kale ayaa qaarkood isla xukunkii hore lagu riday, kuwo kalena maxkamadda ayaa u socota, marka ay maxkamadeyntu soo dhammaantana xukunnada ayaa lagu fulin doonaa,” ayuu yiri Khaliif Mudan.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dilkii 13-kii qof ee dhawaan duleedka Boosaaso ka dhacay uu ahaa mid sharci ah, maadaama ay ka mid ahaayeen Al-shabaab ayna xukunntay maxkamad kaddib markii lagu helay dambiyadii loo haystay oo ay ka mid ahaayeen dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay inay sugto ammaanka guud  ee deegaannada ay ka taliso, cid walba oo lagu helo dambi ah inuu ka tirsan yahay Al-shabaab ama geysta dil lagu fulin doono xukunka lagu rido, iyadoo aan cidna loo aabbo-yeelayn.

Dhawaan ayaa ciidamada Puntland waxay toogasho ku filyeen 13-qof oo ay ku jirtay haweeney, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab qaar ka mid ahna ay qirteen inay ka dambeeyeen dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo dhammaadkii sannadkii 2011 lagu dilay magaalada Boosaaso xili uu kasoo baxay masjid uu salaaddii subax kusoo tukaday.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay u aar-gudi doonto dadkaas Puntland lagu dilay oo ay sheegtay in lagu dilay si garsdarro ah, iyagoo baayaankooda ku sheegay inay beegnsan doonaan, ciddii amarka bixisay, ciddii fulisay dilka iyo kuwii jaajuusay intaba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/2/2013 7:58 PM EST
Sharaf weyn bey ii tahay inaan mar-kale idin hor-imaado si aan warbixin kooban idinkaga siiyo xaaladda guud ee dalka, horumarka siyaasadda, Aragtida fog ee aan wada hiigsaneyno iyo inaan idin la wadaago warbixinta shirka London ee 7da May.

5/2/2013 8:27 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay magacaabidda taliyeyaasha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka booliiska Soomaaliya.

5/2/2013 8:13 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad uu ka jeediyay kulan gaar ah oo uu baarlamaanka Soomaaliya maanta oo Khamiis ah; wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, ammaanka iyo waddooyinka xiran, shirka maamul u sameynta Jubbooyinka iyo shirka London ee toddobaadka dambe furmaya.

5/2/2013 2:08 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu yeesho kulan ay warbixinno uga dhageysan doonaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

5/2/2013 1:59 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa maalintii saddexaad xiran; iyadoo Al-shabaab ay xirnaashahaas ku tilmaantay mid lagu curyaaminayo shacabka ku nool caasimadda Somalia ee Muqdisho.

5/2/2013 1:56 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameysay guddoomiyihii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, Daahir Xasan Xuseen, iyadoo xilkaas u magacowday gudodomiye cusub.