4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2013
Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Yeelanaya Kulan uu Warbixinno kaga dhegeysanayo Madaxweynaha Soomaaliya

Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu yeesho kulan ay warbixinno uga dhageysan doonaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha uu warbixinno ka siin doono waxyaabihii u qabsoomay dowladda federaalka tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay muddo hadda laga joogo sideed bilood.

“Madaxweynuhu wuxuu dastuuriyan xaq u leeyahay inuu baarlamaanka hor-yimaado laba jeer oo kala ah marka ay kalfadhiyadu furmayaa iyo marka ay xirmanayaan, sidoo kale wuxuu xaq u leeyahay inuu codsado in loo qabto kulan gaar ah oo uu ku horimaanayo baarlamaanka si faahfaahinno u siiyo,” ayay yiraahdeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii lasoo dhaafay ku war-geliyay xidlhibaannada baarlamaanka inuu madaxweynuhu hor-imaan doono 02-da bishan May oo ku beegan maanta oo Khamiis ah.

Kulankan ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu kaga hadlo safarro uu kusoo maray dalal dibadda ah, heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Somalia iyo weliba booqashadii uu maalmo ka hor ku tagay Puntland.

Sidoo kale, wuxuu ka hadli doonaa sida wararka aan helayno ay sheegayaan horumarradii ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya muddadii uu xilka hayay iyo qorshaha dowladda ee mustaqbalka dhow.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo rasmi ah oo dalka ka dhalata muddo 22-sano ah; kaddib waxayna ku guuleysatay inay xoojiso xiriirkii ay Soomaaliya la lahayd caalamka intiisa kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya