4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Khilaaf soo Dhex-galay Maamulka Gobolka Bay iyo Mas'uuliyiinta Maamulka oo dacwad ka Gudbiyay Guddoomiyaha

Axad, May 19, 2013 (HOL) — Maamulka cusub ee gobolka Bay ayaa la sheegay inuu soo dhexgalay khilaaf aa aad u xooggan, kaasoo keenay inay joogsato wadashaqeyntii u dhexeysay guddoomiyaha gobolka iyo xubnaha kale ee maamulka gobolkaas ku jira.

Guddoomiye ku xigeen gobalka Bay, Mustaf Ibraahim Cali (Masuuse) ayaa hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay inaysan wadashaqeyn ka dhexeysa maamulka gobal, kan degmooyinka iyo guddoomiyaha Gobalka Bay, Cabdi Aadan Hasoow, isagoo sheegay in guddoomiyuhu uu noqday kaligii taliye.

“Ma jirto wax wadashaqeyn ah oo ka dhexeysa maamulka gobal iyo kan degmooyinka, kaddib markii mas’uul walba uu billaabay inuu ku dhawaaqo wixii uu rabo,” ayuu Mustaf Masuuse ku yiri hadalkii uu siiyay warbaahinta.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa hadalkiis ku daray inay warqad dacwo ah u qoreen wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya iyo nabaddoonnada Digil iyo Mirifle.

“Cabdi Aadan Hasoow weligiis ma uusan imaan xafiiska goblka Bay iyo kan degmada, wuxuu xafiis ka dhigtay gurigiisa, meeshaas ayuuna qaabilaad ku sameeyaa, taas ayaana nagu kalliftay inaan dacwad u gudbinno wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga iyo ugaasyada Digil Mirifle,” ayuu guddoomiye ku xigeenku hadalkiisa raaciyay.

Maamulka gobolka Bay ayaa waxaa horraantii sannadkan loo magacaabay in uu bedelo maamulkii halkaas ka talinayay ee uu guddoomiyaha u ahaa C/fitaax Geeseey, iyadoo tan iyo xilligaas uusan maamulkan ka bixin khilaaf u dhexeeya mas’uuliyiinta maamulka.

Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hesoow oo lagu eedeeyay inuu noqday kaligii taliye ayaan weli ka hadlin eedeynta kaga timid ku xigeenkiisa, iyadoo tani ay caddeyn u tahay inuu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya maamulka gobolka Bay.

Hiiraan Online , Baydhabo