3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo Xukunno ku Ridday 78 Bad-maax oo u dhashay Dalka Iiraan (SAWIRRO)


Axad, May 19, 2013 (HOL) — Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukuntay bad-maaxiin u dhashay dalka Iiraan - kuwaas oo saarnaa doomo si sharci darro ah uga kalluumeysaneyey xeebaha Puntland- oo ay dhowaan ciidamada badda ee Puntland gacanta kusoo dhigeen.

Badmaaxiintan oo ay tiradoodu dhan tahay 78, ayaa waxaa sidoo kale lala soo qabtay 12nin oo Soomaali ah, kuwaasoo iyaguna ilaalo ahaan ula socdey shantaas doomood ee laga leeyahay dalka Iiraan. Denbiyada ay xeer ilaaintu kusoo oogtey ayaa kala ah: in ay waxyeeleeyeen kalluumeysto u dhashay deegaanada Puntland iyo weliba in ay qaab aan sharci ahayn uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Aadan Aw-Axmed ayaa kaddib markii uu dhegeystey eedeynta xeer ilaalinta iyo difaaca qareemada wuxuu ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu riddey, kaas oo ahaa ganaax lacageed oo ay wadartiisu tahay $680,000 (lix boqol iyo siddeetan kun oo doolar).

Afarta doomood ayaa mid walba waxaa lagu xukumay $500,000; afarta naakhuude waxaa lagu xukumay midkiiba $5,000; badmaaxiinta kale ee Iiraaniyiinta ah oo dhan 74nin waxaa lagu xukumay mid walba $2,000; halka 12-ka nin ee Soomaalida ah iyagana mid walba lagu xukumay $1,000.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sidoo kale sheegay in lacagtan ganaaxa ah ay tahay in lagu bixiyo muddo 45-maalmood gudahood ah, haddii kale ganaaxa lagu beddeli doono xarig, doomahana ay la wareegi doonto dowladdu. Dhinaca kale hub u badan qoryaha fudud ee daran dooriga u dhaca oo ay wateen 12-ka Soomaalida ah ee doomahaas ilaalada ka ahaa, waxay maxkamaddu amar ku bixisay in lagu wareejiyo dowladda Puntland.

Bishii April ee lasoo dhaafay 24-teedii ayey ahayd markii ciidamada badda ee Puntland ay ka qabteen xeebaha badda cas ee Puntland, shan doonyood oo nooca kalluumaysiga ah, kuwaasoo dhamaantood laga leeyahay dalka Iiraan ayna saarnaayeen 90-qof oo ay 12 kamid ahi Soomaali yihiin.



 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
5/19/2013 4:17 PM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Maamulka cusub ee gobolka Bay ayaa la sheegay inuu soo dhexgalay khilaaf aa aad u xooggan, kaasoo keenay inay joogsato wadashaqeyntii u dhexeysay guddoomiyaha gobolka iyo xubnaha kale ee maamulka gobolkaas ku jira.

5/19/2013 12:02 PM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay inay gudahooda kasoo baxeen kooxo ujeeddadoodu tahay inay kala dhantaalaan safka xoogaggooda dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageeraya.

5/19/2013 11:57 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) - Waxaa lagu qabtay shalay garoonka Bijlmar Sport Park ee mgaalada Amsterdam tartankii Kubada cagta ee cayaaraha xagaaga HIRDA AFT Summer cup.

5/19/2013 10:04 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ya soo saartay war ay uga hadashay mowqifkeeda ku aaddan go’aankii ay Somaliland toddobaadkii hore ku joojisay duulimaadyadii diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku tegi jireen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyadoo dowladdu ay sheegtay in go’aankaas uu ka horimaanayo xeerarka duulimaadyada caalamka.

5/19/2013 10:03 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Shir hordhac u ah shirweyne looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan ay kasoo qayb-galeen mas'uuliyiin ka socotay Rugaha ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya.

5/19/2013 9:02 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Munaasabad balaaran oo loogu dabaaldegayo sanad guuradda 22ad ee ka soo wareegtay maaalintii Somaliland ku dhowaaqday inay soomaaliya inteedda kale ka go’day ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland.

5/19/2013 8:37 AM EST
Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo ay Soomaali kamid tahay xubnihiisa ayaa isku dayaya inay isu soo dhaweeyaan dhinacyada ku lugta leh, khilaafka siyaasadeed ee ka taagan jubbooyinka.

5/19/2013 7:58 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Dalka Mareykanku waxaa uu ka mid yahay meelaha ay Soomaalidu magangashay markii gudaha dalkooda ay dhibaatada colaadeed ka dilaacday, qarankiina burburay, waxaana ay ku kala nool yihiin gobolada kala duwan, gaar ahaan Minnesota oo lagu tilmaamo in ay tahay halka ay Soomaalida ugu badan isku soo urursadeen.

5/19/2013 7:11 AM EST
Axad, May 19, 2013(HOL) :- Wafdigii ka socday urur goboleedka IGAD ee shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo gooni gooni ah gudaha magaalada Kismaayo kula leh siyaasiyiinta iyo odoyaasha beelaha dega Jubooyinka.

5/19/2013 2:33 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu soo rogay bandow billaabanaya 5:00 gallabnimo kaasoo soconaya illaa aroorta hore ee maalinta xigta, waxaana bandowgan lagu sheegay inuu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka degmada.

5/19/2013 2:22 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Sarkaal ka tirsan nabadsugidda Kenya ayaa xalay lagu dilay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo tani ay sare u sii qaadayso ammaan-darrada ka jirta deegaannada ku yaalla Waqooyi-bari dalka Kenya.