4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2013
Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay tirada Ciidamada AMISOM looga dilay Soomaaliya kuna Hanjabtay Dagaallo kale

Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegtay inay xoojinayso dagaallada ay kula jirto ciidamadan, waxaana ay ka hadleen ciidamadii AMISOM ee lagu dilay gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in tirada kaga dhimatay AMISOM gudaha Soomaaliya ay ka badan yihiin 3,000 oo askari.

“Innagu waxaan rumeysannahay in tiradaas ay aad uga badan tahay inta ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxaana askartaas ay ku baxeen gacmaha mujaahidiinta,” ayuu yiri Abuu-Muscab oo sheegay in dagaalkooda oo ay u bedeleen mid jabhadeyn ah ay ku dileen tiro badan oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay bedeleen dagaalkii tooska ahaa ee ay kula jireen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowaldda ayna ka dhigeen mid jabhadeyn ah oo ay ku ugaarsanayaan ciidamada isbahaysanaya meel walba oo ay ku arkaan.

“Ciidamada AMISOM ee aan ku dilnay dagaalkii tooska ahaa waxay aad uga badan yihiin tirada la sheegay ee 3,000 ah, waxaana naga go’an inaan sii wadno dagaalka inta aan ka dilayno tiro intaas ka badan ama ay dalkeenna nooga baxayaan,” ayuu Abuu-Muscab hadalkiisa ku daray.

Mar uu ka hadlay sida ay arkaan tirada la sheegay in looga dilay AMISOM gudaha Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay mid ay aad u soo dhaweynayaan maadaama ay iyagu afkooda ka qirteen in ciidammo badan ay ku waayeen dagaalladii Soomaaliya.

“Tiradaas iyo mid ka badan ayaan inngu horay u haynay, haddii ay iyagu ka qirteen afkooda guul ayay noo tahay, waayo waxaan horay u sheegnay ayay iyagu qirteen maanta,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab oo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa waxay sheegtay inay xoojinayso dagaalka ay kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageeraya, iyadoo sheegtay inay beegsanayso saldhigyada ciidamada iyo xumaha dowladda.

 Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya