4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo xariga ka jiray qayb ka mid ah Wado isku Xiraysa Degmada Boorame iyo Dilla


Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi  Cali Xaaji Xasan ayaa xadhiga ka jaray  dhisme laami ah oo saddex killomitar ah oo u dhexeeya Dilla iyo Boorame, waxana dhagax dhigay  shan killo mitir oo ka hadhsan dhamaystirka jidkaasi oo xukuumaddu maalgalisay.

Weftigan oo ka koobnaa wasiirka Madaxtooyada  Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada, Mudane, Maxamuud Ahmed Bare (Garaad), Wasiirku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority). Prof. Xasan Cali Cismaan, iyo madax Xafiiska Golayaasha, Xidhiidhka Dadweynaha iyo Siyaasada, Mudane Bashiir Cabdi Xariir, waxaana Degmadda Dillla ku soo dhoweeyey gudoomiyaha gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar iyo salaadiinta iyo culima’diinka gobolka Awdal.

Badhasaabka Gobolka Awdal Mud. Cabdoo Axmed Aayar ayaa ka waramay ujeedada u yimaadeen gobolka Awdal, waxanu sheegay inuu weftigu u socdo inuu xadhiga ka jaray qayb ka mid ah wadda isku xidha Dilla Iyo Boorame qayb cusubna uu dhagax dhigo.

“Weftigan ujeedada uu u yimid Boorama inuu dhagax dhig yo xadhig ka jaris ku sameeyo wadada isku xidha Boorama iyo Dila, waana maalin taariikhi ah oo ku suntanaan doonta bilawgii dhamaytirka jidka laamiga ah ee isku xidha labadan degmo”ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Ayar.

“Mudane Wasiir jidkan aad xadhiga ka jaraysaa waa 3km oo ay xukuumadu maal galisay taasi oo ay fulisay hay’ada Asarda, waxana ay noqonaysaa mid wax badan ka tartay baahidii jidadka ee gobolka Awdal, sidoo kale wadadan aad dhagax dhigtay waa 5km oo kale oo dhamaystir u noqonaysta jidka Dila ilaa Borama oo ay baahi badan u qabeen dadka ku nool gobolkani inay helaan”ayuu yidhi Maareeyaha hay’adda Wadoooyinka Somaliland ee SRA  Prof. Xasan Cali Cismaan.

“Jidkan waxa loogu yimid iyada oo aanay xukuumadii Siyaad Bare waxba ka qaban sidoo kale, xukuumadihii dalka isaga daba xigayna wax macno leh kama qaban, maanta waxa aad dhagax dhigaysaa dhamaystirkiisii, waxana ay tani tahay talaabo guul u ah xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo aan abaal balaadhan u hayno”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka hay’addda ASARDA Xaaji Cabdiqaadir Aadan Nuur.

“Waxaan ku rajo waynahay inuu dhamaan doonno, waxana aan sheegayaa hawshu intan oo kaliya ma aha oo dhamaan mayso balse waxa nooyaala wax qabad badan oo u baahan inaan hiigsano oo ay umadu naga sugayso, isla markaana qayb ka ah waxyaabihii aan balan qaadnay, anaga oo marwalba ku xisaabtamayna tamarta xukuumada hadana waan dadaalaynaa waxqabadkuna waa astaanta xukuumada uu hormuudka u yahay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.”ayuu yidhi Wasiirka Madxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Intaas ka dib weftigii uu hogaaminyey waxay booqdeen biriishka xaafadaha Sh. Cusmaan ee magaalada Boorama oo ay roobabku waxyeeleen isla markaana ay dawlada hoose ee Boorama u awood wayday inay wax ka qabato.

Sidoo kale wasiirku wuxuu gurigiisa ku booqday  ugaaska guud ee gobolka Awdal ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland