3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Shir looga Hadlayay Ammaanka ee Gobolka Bay oo lagu Qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolkas

Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay amamanka Gobalka Bay, kaasoo ay ka qaybgaleen dhammaan nabaddoonada beelaha Digil iyo Mirifle iyo maamulka deegmada Baydhabo.

Qodabbada loogu hadlay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa nabadgelyada magaalada , iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay ay ka dhaceen shaqaaqooyin dagaal oo ay isaga horyimaadeen ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan, kaasoo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa ka hadlay kulanka isagoo sheegay in ciidamada ay helayaan xaquuqdooda iyo mushaarkooda iyo wax walba oo ay u baahan yihiin balse looga baahan yahay inay qayb ka qaataan sugidda ammaanka,

“Annga gobal ahaan qayb weyn ka qaadanay in ciidamadu ay helaan xuquuqaadkooda, haddana waa khalad inay in iyagoo xuquuqaadkooda helay ay shacabka dhacaan, mana ah inay yiraahdaan xaquuq baa naga maqan kaddibna ay shacabka dhibaateyn ugu jeestaan,”  ayuu yiri Cabdi Hoosoow oo kulanka ka hadlay.

Sidoo kale, waxaa shirka ka hadlay Waxaa kaloo ka hadlay malaaqyada Digil iyo Mirifle; kuwaasoo sheegay in ammaanka shacabka uu xil weyn ka saaran yahay shaqsi kasta oo ku abtirsada qowmiyadda Digil iyo Mirifle ayna tahay in loo kaco sidii loosoo celin lahaa amniga gobalka Bay iyo degmooyinkiisa.

Hiiraan Online, Baydhabo

 













Click here
5/13/2013 2:52 PM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timo cad) ayaa gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu kulan hoose oo aanu awood u lahayn magaaladda Birmingham kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.

5/13/2013 10:37 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, ayaa maanta bilowday dib u casriyeynta waddadda hal bawlaha ah ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.

5/13/2013 10:36 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan todobaadydii aynu soo dhaafnay waxaa ka soconayay howlgal adag oo ay si wada jir ah u fullinayeen ciidamo si gaar ah arintaa loogu tababaray iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo guri-guri u baarayay inta badan xaafaddaha magaalada.

5/13/2013 10:34 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, midkana wuu ku dhaawacmay mudaharaad rabshado wata oo maanta ka dhacay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

5/13/2013 7:12 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya iyo qaadista canshuuraha diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya, kaddib 22-sano oo xafiiskan ay maamulaysay Qaramada Midoobay.

5/13/2013 6:52 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan ay soo qabanqaabisay Hay'adda CCD, kulankaas oo ku saabsanaa sidii dhallinyarada gobolka Banaadir ay uga qayb-qaadan lahaayeen ammaanka iyo xasilinta dalka.

5/13/2013 6:40 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xadhiga ka jaray dhisme laami ah oo saddex killomitar ah oo u dhexeeya Dilla iyo Boorame, waxana dhagax dhigay shan killo mitir oo ka hadhsan dhamaystirka jidkaasi oo xukuumaddu maalgalisay.