4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2013
Gaadiidleyda ka Shaqeysa Gobolka Shabeellada Hoose oo Waddooyin Xiray iyo Ciidamada AMISOM oo kulan la Qaadatay

Axad, May 12, 2013 (HOL) — Gaadiidleyda ka shaqeysa deegaannada gobolka Shabeellada Hoose oo maalmahan ka cabanayay isbaarooyin lacago looga qado oo ay sheegeen inay u yaallaan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray jidadka soo gala magaaladaas, taasoo keentay inay kulan la yeesheen ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Afgooye.

Madaxa gaadiidleyda gobolka Shabeellada Hoose ee shaqo-joojinta sameeyay, Maxamed Cabdi oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay inay la kulmeen ciidamada AMISOM oo ka dalbaday inay jidadka furaan, waxna laga qaban doono cabashadooda.

“Ciidamada AMISOM si wanaagsan ayay noola hadleen, waxayna naga dalbadeen inaan waddooyin furno waxyaabaha ay ka cabanayaanna si dhaqso ah wax looga qaban doono,” ayuu yiri maxamed Cabdi oo sheegay in maamulka gobolka iyo kan degmada aysan lasoo xiriirin intii ay ku jireen howl-joojinta iyo jidad xiridda.

Sidoo kale, Cabdi wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ay ka cabanayaan ay ka mid yihiin in ciidamada dowladda ay lacago badan ka qaadan, ayna ugu cago-jugleeyaan darawallada inay kufsan doonaan gabdhaha gaadiidka saran haddii lacagta loo badin waayo.

“Lacagta nagala waado iyo hanjabaadda la socota waxay ka dhacaan gabi ahaan jidadka ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose, waxaana sameeya ciidamada dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo sheegay inay isla maanta furayaan waddooyinka, berrina ay howlahoodii caadiga ahaa billaabi doonaan.

Mar la weydiiyay ciidamada falalkaas ku kacaya ayuu sheegay inay yihiin kuwa milateriga, isagoo sheegay in lacag ka badan hal milyan oo shillinka Soomaaliga ah looga qaado waddooyinka gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, taliye ku xigeen ciidanka booliiska degmada Afgooye, C/qaadir Cusmaan Axmed oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa sheegay inay wax ka jiraan ayna maamul ahaan wax ka qabanayaan, balse wuxuu sheegay inay wax lala yaabo tahay in la xiro waddooyin.

Tan iyo markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab inta badan gobolka Shabeellada Hoose sannadkii hore ayaa waxaa soo kordhayay cabashooyinka kasoo yeeraya shacabka ku nool gobolkaas iyo gaadiidleyda ka shaqeysa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya