3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay Soomaalida ku nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska (SAWIRRO)


Jimco, May 11, 2013(HOL)—Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa wuxuu caawa la hadlay Soomaalida ku nool magaalada Birmingham oo isugu yimid in ay dhegeystaan khudbadda madaxweynaha Soomaaliya.

 

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad aad u badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee UK, waxayna dadku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda hadda u dhisan Soomaaliya, taasi oo aan ahayn KMG, isla markaana dalalka caalamka ay billaabeen in ay ula macaamilaan si ka duwan siyaabihii loola macaamili jiray dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray.

 

Qaar ka mid ah dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay oo loo gartay in ay khudbado ka jeediyeen munaasabadda ayaa ka hadlay, waxayna khudbadahooda isugu jireen soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, taageeridda dowladda Soomaaliya, iyadoo qaarkoodna ay talo iyo dardaar u soo jeediyeen madaxda dowladda. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirrada Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi  iyo Arrimaha Dibadda Fowsiya Yuusuf Xaaji  Aadan, Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Britain Danjire C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo shaqaale ka howlagala madaxtooyada Soomaaliya.

 

Intaas kaddib Prof. C/qaadir Ruumi oo xafladda xiriirinayay ayaa codbaahiyaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, si uu ujeediyo khudbaddii uu ugu talagalay dadka ku nool Magaalada Birmingham. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda iyo dadkii ka soo qeybgalay, wuxuuna caddeeyay in uu raalli ka yahay soo dhaweynta ay u sameeyeen.

 


Madaxweynaha ayaa  intaas kaddib wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya halka ay hadda taagan tahay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, wuxuuna farta ku fiiqay in caalamka uu diyaar u yahay in uu wax la qabto Dowladda Soomaaliyeed haseyeeshee wuxuu xusay in taageero kasta oo la siiyo aysan waxba tari doonin haddii aysan dadka Soomaaliyeed iyagu wax qabsan.

 

Wuxuu  mar kale ku celiyay qorshe siyaasadeedka lixda tiir ee ay dowladdiisa ku howlgeleyso, kuwaasi oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada amniga iyo garsoorka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii aan amni la helin aysan jirin wax suurtagelaya, sidoo kalena ay lagama maarmaan tahay in la helo garsoor shaqeynaya.

 

“Waxaan u dhaartay oo aniga oo weeso qaba aan kutub qur’aan gacanta u saaray in aan xilkeyga u guto si waafaqsan danta dalka, dadka iyo diinta, taasina waan ku taaganahay weli. Waxyaabaha aan ku taameyno haddii aan nahay madaxda dowladda Soomaaliya waa labo waxyaabood oo aan dooneyno in aan Soomaaliya gaarsiinno, kuwaasi oo kala ah in Soomaaliya gaarsiinno, “SOOMAALIYA OO MID AH OO XASILLOON”  ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

 


Intaas kaddib wuxuu madaxweynaha ka codsaday dadkii munaasabadda isugu yimid in ay ka qeybqaataan soo celinta hannaankii dowladnimo ee Soomaaliya iyo weliba dib u dhiska dalka, isagoo weliba xusuusiyay in  dalka Soomaaliya uu sugayo dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u soo baxay ee fursadaha kala duwan helay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka Ingiriiska u tegay in uu ka qeybgalo Shirkii ay Dowladda  Britain soo qabanqaabisay ee looga hadlayay taageeridda Dowladda Soomaaliya, kaddib shirkaasna wuxuu Magaalada London kula hadlay Soomaali badan oo ku nool dalka Ingiriiska.

 

Dhanka kalena, waxaa munaasabadda kaddib xaflad casho sharaf ah isku arkay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Fiqi iyo  Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe.Klankooda oo ahaa mid cashada dhexdeeda ka dhashay oo aan horay loo sii qorsheynin ayaan si rasmi ah loo sheegi  karin waxyaabihii ay iskula soo qaadeen.








 

Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online

[email protected]

London, UK













Click here
5/10/2013 1:07 PM EST
Dood-wadaagan oo looga hadlayay aaladaha ay ku wada xiriiraan bulshada sida Facebook, Paltalk, Twitter, myspace, MSN iyo wixii lamid ah ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

5/10/2013 10:22 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia kuwa AMISOM oo wata gaaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa la wareegay maanta deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay, kaasoo Baydhabo u jira 30-km, waxaana deegaankan ku sugnaa xoogagga Al-shabaab.

5/10/2013 6:24 AM EST
Jimco, May 10, 2013(HOL)— Munaasabadan oo ay soo qabanqaayeen haweenka Soomaliyeed ee UK ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Marwo Sahra Cumar Xasan oo ah Marwada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo munaasabaddana ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Dumarka soomaliyed ee ku nool magaalada London iyo nawaaxigeeda.

5/10/2013 2:35 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007 oo uu howlgalkan billowday, iyadoo sheegtay in askarta ugu badan ee la dilay ay ka socdeen dalalka Uganda iyo Burundi.

5/10/2013 2:32 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) —Ururka horumarinta deegaanka iyo bulshada ee loona soo gaabiyo (SECO) SOMALILAND ENVIRONMENT COMMUNITY DEVELOPMENT ORGANIZATION (SECO ) oo la aasaasay bishii Abriil 2010 kana howlgala gobolllada Awdal iyo Salal ayaa gobolka Awdal ka sameeyay wacyi-gelin ku saabsan khatarta tahriibka.

5/10/2013 2:12 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan waxay ahayd mid ammaankeeda faraha ka baxay; sidaas awgeed rag ganacsato ah ayaa sameystay shirkad qaabilsan ammaanka oo lagu magacaabo Galeyr, (Galeyr Security Service Corp) taasoo loogu talogalay inay ilaalso hay’adaha samafalka ah eek a howgalla Baydhabo.

5/10/2013 2:04 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo maanta shir-jaa’id ku qabtay guriga uu ka degen yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa ka hadlay arimo badan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ay xilligan Puntland ku sugan tahay.