3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2013
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Kumannaan Askarta AMISOM ka tirsan lagu dilay Somalia Tan iyo Sannadkii 2007


Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007 oo uu howlgalkan billowday, iyadoo sheegtay in askarta ugu badan ee la dilay ay ka socdeen dalalka Uganda iyo Burundi.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa u sheegay Reuters in dalalka ka tirsan AMISOM ay naftooda qaaliga u hureen sidii ay Soomaaliya nabad uga dhalin lahaayeen, isagoo sheegay in tirade ay tahay mid aad u badan.

“Waad ka argagaxaysaa markii aad ogaato in 3,000 oo askari oo AMISOM ka tirsan ay ku dhinteen howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, askartan oo dhan waxaa la dilay intii uu howlgalku socday,” ayuu Eliasson yiri.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu tahay 17,700 oo askair, kuwaaso ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Sierra Leone.

“Dalalka Uganda iyo Burundi ayay askarta badankood ka dhinteen,” ayuu ku daray hadalkiisa. “Ciidamada Kenya oo qayb ballaaran ka ah AMISOM ayaa iyagana ay soo gaartay dhimasho.”

Tirada ciidamada AMISOM kaga dhimatay howlgalka Soomaaliya ayaa waxay ku dhow dahay tiradii ciidamada Qaramada Midoobay ee howgallada ku dhintay tan iyo sannadkii 1948-kii taasoo gaaraysa 3,096 oo askari.

Howlgalka AMISOM ayaa wuxuu ka caawiyaa dowaldda Soomaaliy a sidii ay isaga difaaci lahayd Al-shabaab, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka qabsadeen ciidamadan isbahaysanaya Al-shabaab dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Cadadka ciidamada AMISOM ee ku dhintay dagaallada lagula jiro Al-shabaab ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee la shaaciyo, iyadoo dalalka ay AMISOM ka socdaan sida Uganda iyo Burundi ay dhowr jeer beeniyeen tiro la sheegay in looga dilay dagaallada Soomaaliya ka socda.

Hadalkan ayuu Eliasson ka sheegay shirkii London lagu qabtay ee yabooha loogu raadinayya Soomaaliya, iyadoo kooxda ay AMISOM dagaalka kula jirto ee Al-shabaab ay weli awood u leeyihiin inay fuliyaan qaraxyo iyo weerarrro toos ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdsiho, Soomaaliya













Click here
5/10/2013 7:17 PM EST
Jimco, May 11, 2013(HOL)—Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa wuxuu caawa la hadlay Soomaalida ku nool magaalada Birmingham oo isugu yimid in ay dhegeystaan khudbadda madaxweynaha Soomaaliya.

5/10/2013 1:07 PM EST
Dood-wadaagan oo looga hadlayay aaladaha ay ku wada xiriiraan bulshada sida Facebook, Paltalk, Twitter, myspace, MSN iyo wixii lamid ah ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

5/10/2013 10:22 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia kuwa AMISOM oo wata gaaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa la wareegay maanta deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay, kaasoo Baydhabo u jira 30-km, waxaana deegaankan ku sugnaa xoogagga Al-shabaab.

5/10/2013 6:24 AM EST
Jimco, May 10, 2013(HOL)— Munaasabadan oo ay soo qabanqaayeen haweenka Soomaliyeed ee UK ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Marwo Sahra Cumar Xasan oo ah Marwada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo munaasabaddana ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Dumarka soomaliyed ee ku nool magaalada London iyo nawaaxigeeda.

5/10/2013 2:32 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) —Ururka horumarinta deegaanka iyo bulshada ee loona soo gaabiyo (SECO) SOMALILAND ENVIRONMENT COMMUNITY DEVELOPMENT ORGANIZATION (SECO ) oo la aasaasay bishii Abriil 2010 kana howlgala gobolllada Awdal iyo Salal ayaa gobolka Awdal ka sameeyay wacyi-gelin ku saabsan khatarta tahriibka.

5/10/2013 2:12 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan waxay ahayd mid ammaankeeda faraha ka baxay; sidaas awgeed rag ganacsato ah ayaa sameystay shirkad qaabilsan ammaanka oo lagu magacaabo Galeyr, (Galeyr Security Service Corp) taasoo loogu talogalay inay ilaalso hay’adaha samafalka ah eek a howgalla Baydhabo.

5/10/2013 2:04 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo maanta shir-jaa’id ku qabtay guriga uu ka degen yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa ka hadlay arimo badan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ay xilligan Puntland ku sugan tahay.