3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2013
Ururka SECO Gobolka Awdal ka Sameeyay Wacyi-gelin ku saabsan Khatarta uu leeyahay Tahriibka (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, May 10, 2013 (HOL) —Ururka horumarinta deegaanka iyo bulshada ee loona soo gaabiyo (SECO) SOMALILAND ENVIRONMENT COMMUNITY DEVELOPMENT ORGANIZATION (SECO ) oo la aasaasay bishii Abriil 2010 kana howlgala gobolllada Awdal iyo Salal ayaa gobolka Awdal ka sameeyay wacyi-gelin ku saabsan khatarta tahriibka.

Ururkan ayaa wuxuu horay u sameeyay waxyaabo uu ku horumarinayo deegaanka iyo bulshada, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Dhir lagu beeray Jaamacadda Camuud, Wacyigalinno laga sameeyay dugsiyada Awdal iyo Salal oo ku saabsanayd: khatarta xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS, khatarta tahriibta iyo dhibkeeda iyo wax-qabadyo badan.

Malimihii u dambeeyay ayaa ururka SECO wuxuu wacyi-gelin ka waday inta badan dugsiyada sare ee magaalada Boorame taasoo shalay lasoo afjaray. waxaana lagu soo gabgabeeyay dugsiyada: Ubaya Ibnu Kacab iyo Ardaale.

Ugu horreyn waxaa dugsiyadaas hadal ka jeediyay guddoomiyaha SECO, Axmed Xuseen Daahir (Caano-nuug) oo sheegay in ururkooda uu saddex sano shaqeynayo, sababta ay u aasaaseenna ay tahay: horumarinnta iyo dhiiri-galinta waxbarashada, kor u qaadidda waxbarashada haweenka iyo caruurta, horumarinta deegaanka iyo bulshada, bulshada oo lagu dhiirri-geliyo ilaalinta nadaafada, ka-hortagga xaalufinta dhirta, ilaalinta xuquuqda haweenka iyo caruurta, caawinaadda dadka danyarta ah, ka-hortagga xanuunada xun-xun, bulshada oo loo abuuro fursado dhaqaale iyo isku-xirka dhalinyarada iyo dhiirri-galintooda.

“Wacyigalintaan ma ahan tii ugu horreysay ee aan ka fulinay dugsiyada sare ee gobolka Awdal, balse waa mid soo noqnoqtay, uguna talo-galaynay inaan bulshada ka wacyigalinno khatarta Tahriibka oo ah mid aad ugu soo badatay deegaannada Somaliland,” ayuu yiri guddoomiyah SECO.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlaya mid ka mid ah xubnaha ugu sarreeya ururka oo lagu magacaabo Guuleed Cali Rooble oo yiri: “Runtii wa laga wada-dharagsan yahay khatarta uu tahriibku leeyahya ama isbiimeynta la isku biimeynayo dhulka shisheeye; runtii innagu waxaan u midownay inaan bulshada ka wacyigalinno kagana digno khatarta uu leeyahay Tahriibka oo aan ognahay in dadka ugu badan ee tahriibaya ay dadoodu u dhexeyso 13-sano jir illaa 20-jir waana dhallinyaro aan horay uga tarhiibin dalkooda.”

Dhibaatooyinka ay la kulmaan dhallinyaradan ayaa waxay SECO ku sheegtay inay ka mid yihiin: kufsi, xarig, afduub, xeebaha oo lagu daadiyo iyagoo aan dabaalan karin iyo xubnaha muhiimka ah ee jirkood oo lagala baxo.

Sidoo kale, wax iyagana halkaas ka hadlay maamulka dugsiydda sare ee loo sameeyay wacyi-gelinta sida dugsiga Ardaale, Faysal Maxamed Gafane oo xafladda soo gunaanaday wuxuuna sheegay in ardayga ay tahay inuu wax-barto si uu awood ugu yeesho inuu nolosha ka qabsado qaybta uga soo aadda, balse aan loo baahanyn inay tahriibaan.








Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland













Click here
5/10/2013 7:17 PM EST
Jimco, May 11, 2013(HOL)—Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa wuxuu caawa la hadlay Soomaalida ku nool magaalada Birmingham oo isugu yimid in ay dhegeystaan khudbadda madaxweynaha Soomaaliya.

5/10/2013 1:07 PM EST
Dood-wadaagan oo looga hadlayay aaladaha ay ku wada xiriiraan bulshada sida Facebook, Paltalk, Twitter, myspace, MSN iyo wixii lamid ah ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

5/10/2013 10:22 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia kuwa AMISOM oo wata gaaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa la wareegay maanta deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay, kaasoo Baydhabo u jira 30-km, waxaana deegaankan ku sugnaa xoogagga Al-shabaab.

5/10/2013 6:24 AM EST
Jimco, May 10, 2013(HOL)— Munaasabadan oo ay soo qabanqaayeen haweenka Soomaliyeed ee UK ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Marwo Sahra Cumar Xasan oo ah Marwada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo munaasabaddana ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Dumarka soomaliyed ee ku nool magaalada London iyo nawaaxigeeda.

5/10/2013 2:35 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007 oo uu howlgalkan billowday, iyadoo sheegtay in askarta ugu badan ee la dilay ay ka socdeen dalalka Uganda iyo Burundi.

5/10/2013 2:12 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan waxay ahayd mid ammaankeeda faraha ka baxay; sidaas awgeed rag ganacsato ah ayaa sameystay shirkad qaabilsan ammaanka oo lagu magacaabo Galeyr, (Galeyr Security Service Corp) taasoo loogu talogalay inay ilaalso hay’adaha samafalka ah eek a howgalla Baydhabo.

5/10/2013 2:04 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo maanta shir-jaa’id ku qabtay guriga uu ka degen yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa ka hadlay arimo badan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ay xilligan Puntland ku sugan tahay.