3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Haweeney Sidata Waxyaabaha Qarxa oo lagu Qabtay Magaalada Kismaayo iyo Garoonka Diyaaradaha oo la duqeeyay

Arbaco, 1 May, 2013(HOL) :- Ciidamada Kenya ee ilaalada ka haya xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ah halka ay ku suganyihiin qaar kamid ah ergada ka qeybqaadaneeysa shirka maamul u sameynta Jubbaland ayaa waxaa maanta lagu qabtay haweeney la sheegay in ay sidatay walxaha qarxa.

Haweeneydani oo la sheegay in ay kamid ahayd haweenka raashiinka u kariya ergada ku sugan xarunta Jaamacadda ayaa la sheegay in waxyaalaha qarxa ay kusoo dhex qarisay alaab ay sidatay, waxaana gacanta ku dhigay ilaalada ku sugan illinka hore ee Jaamacadda.

Afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in haweeneydani ay dooneysay in ay waxyaalaha qarxa la gasho gudaha xarunta Jaamacadda balse ay gacanta ku dhigeen ilaalada ku sugan illinka hore ee laga galo xaruntaasi.

Waa markii ugu horeeysay oo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay gacanta ku dhigaan ruux doonaya in uu walxaha qarxa la galo gudaha xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay ku suganyihiin qaar katirsan ergada ka qeybqaadaneeysa shirka la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo Jubooyinka.

Dhinaca kale dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ayaa maanta gelinkii danbe weerar madaafiic ah kusoo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Weerarkani oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hub culculus iyo madaafiic laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ayaan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Kismaayo oo arintaasi ka hadlay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya













Click here
5/1/2013 12:19 PM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo ku beegan maalinta shaqaalaha adduunka wuxuu booqday shirkad kaluumeysi oo xarunteedu tahay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay in kalluumeysigii sharci-darrada ahaa ee xeebaha Soomaaliya uu sii yaraanayo.

5/1/2013 12:05 PM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta u dhooftay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay uga qaybgalayso shir looga hadlayo amaanka dalalka Bariga Afirka oo ay soo diyaarisay IGAD.

5/1/2013 12:03 PM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa cambaareeyay dilkii ku xigeenkii garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya, Axmed Sheekh Nuur Macallin, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay weerarrada ka dhacaya Muqdisho ee lagu beegsanayo sharci-yaqaannada Soomaaliyeed.

5/1/2013 8:40 AM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Maxkamadda Degmadda Gabiley ayaa toddobaadkan magaaladda Wajaale ee xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya ku xukuntay rag lagu eedeeyey inay tahriibiyaan dhalinyarta Somaliland, kuwaas oo lagu soo qabqabtay magaaladaasi.

5/1/2013 8:17 AM EST
Arbaco, May, 01, 2013 (HOL) Munaasabad siweyn loo soo agaasimay laguna qabtay xarunta ciidamada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne ayaa maanta mudo 22 sano ah kadib waxaa markii ugu horeysay lacago gunno ah loogu qeybiyay ciidamada xoogga dalka ee maamulka gobollka Hiiraan.

5/1/2013 8:15 AM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa socdaal ku maraya qaar ka tirsan magaalooyinka waa-weyn ee dalka Mareykanka, isagoo khudbado ka jeediyay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, West Virginia iyo North Carolina, wuxuuna khudbadaha ka jeediyay jaamacado ku yaalla gobollada uu maray, wuxuuna sidoo kale la qaatay kulamo mas’uuliyiin ay ku jiraan qaar xilal hore kasoo qabtay dalka Mareykanka iyo Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinkaasi.

5/1/2013 7:39 AM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Maanta oo ah maalinta shaqaalaha weynaha adduunka ayaa xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU waxay u dabaal-degeen maalintan qiimaha weyn ku leh shaqaalah dunida oo dhan.

5/1/2013 1:33 AM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku goodisay inay u aargudi doonto 13-kii qof ee shalay lagu dilay duleedka Boosaaso, iyadoo ku tilmaantay falkaas xasuuq loo geystay dad aan waxba galabsan oo la iska soo xirxiray.

5/1/2013 1:08 AM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waana maalintii labaad oo jidadka Muqdisho intooda badan ay xiran yihiin, waxaana ma’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ay shegeen in laga baqdin qabo in Al-shabaab ay falal argagaxiso ka geysato Muqdisho.

5/1/2013 1:04 AM EST
Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Dowladaha Britain iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay bixinayaan lacag gaaraysa laba milyan oo doollar si looga hortago kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed, iyadoo hadalkan lagu sheegay warbixin kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Britain.