4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo u Dabaal-degay 1-da May oo ah Maalinta Shaqaalaha Adduunka


Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Maanta oo ah maalinta shaqaalaha weynaha adduunka ayaa xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU waxay u dabaal-degeen maalintan qiimaha weyn ku leh shaqaalah dunida oo dhan.

FESTU ayaa waxay 1-da May awgeed hambalyo u dirtay dhammaanka shaqaalaha meel kasta oo ay joogaan; iyadoo u rajeysay inay halaan shaqooyin sharaf leh oo kaafiya noloshooda iyo tan qoysaskooda.

Xiriirku wuxuu sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed lagu hayo dhibaato ku aaddan shaqadooda, sidoo kalena shaqaalaha waxay shaqeeyaan saacado ka badan kuwii sharciga ahaa iyadoo aan lagu siin lacag ku filan, taasoo uu ku sheegay inay qayb ka tahay ku tuhashada xuquuqda shaqaalaha Somalida.

Maanta oo ah maalin lagu xusuusta halganka ay shaqaalaha adduunka u soo mareen inay xaqooda helaan ayaa FESTU waxay sheegtay inay waqti kasta dhibaatada lagu hayo shaqalaha Soomaaliyeed ay sii socoto, iyagoo sheegay inaysan taasi ku keeni doonin wax niyad-jab ah; ayna sii wadayso dadaalka ay ku doonayso in shaqaalaha Soomaaliyeed ay u xauuqdooda helaan.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Maanta waa maalin ku weyn dhammaan muruqmaalka meel kasta oo ay adduunka ka joogaan. Waa maalin si weyn loogu xusuuto shaqaalaha naftooda u huray soo dhicinta xaqqa shaqaalaha,” ayuu ayuu si kooban u yiri Maxamed Abuukar Zubeyr oo ah gudddoomiya xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU.

FESTU waxay ugu baaqday dowladda federaalka Soomaaliya inay wax ka qabato dhibaatada lagu hayo shaqaalaha; taasoo xiriirka uu ku sheegay inay ka dhacdo goobaha shaqada iyo bulshada dhexdeeda.

Xiriirka wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay si buuxda u damaanad qaaddo dhowrista xuquuqda aas-aasiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay u leeyihiin dhisidda ama inay ku biiraan urur shaqaalaha oo danahooda difaaca; taasoo ah xuquuq aas-aasi ah.

Ururada shaqaalaha ee ku bahoobay FESTU waxay xuseen in shaqa la’aanta ay tahay waxyaabaha ugu wacan degenaansho la’aanta ka jirta dalka, taasoo dhibaato ku ah horumarka bulshada iyo mustaqbalka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed.


“FESTU waxay diyaar u tahay inay dowladda iyo dadka loo shaqaeeyo kala shaqeyso sidii loo abuuri lahaa shaqooyin tayo leh oo dabooli kara baahida baahsan ee ay qabaan dadka u diyaarka ah inay shaqeeyaan ee ay hayso shaqo la’aanta, gaar ahaan dhallinyarada,” ayuu Zubeyr hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha FESTU wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato musuq-maasuqa iyo maamul-xumida sababa xadgudubyada lagula kaco shaqaalaha iyo ururrada shaqaalaha, si dalka uu uga baxo dhibaatada muddada dheer soo jirtay.

“Marna ma dhici doonto inaan ka aamusno in xaquuqaadka aas-aasiga ah ee shaqaaalaha Soomaaliyeed meel looga dhaco,” ayuu mar kale yiri Maxamed Abuukar Zubeyr oo intaas ku daray.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Waa in dib u eegis lagu sameeyaa shuruucda shaqada oo waqtigan ah mid aan la jaan-qaadi karin horumarka loo baahan yahay inuu dalka gaaro iyo qawaaniinta caalamiga ah ee u degsan shaqada iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha.”

Xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo ah ururka kaliya ee caalamku u aqoonsan yahay inuu matalo danaha shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in loo baahan in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya