4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Ra'iisal Wasaaraha Somalia oo booqday goob ay ku geeriyoodeen Xildhibaano ka mid ahaa Baarlamaankii hore (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta booqday goob maqaaxi ah oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay ku geeriyoodeen, kuwaasoo kala ahaa: Yuusuf Mire Seeraar iyo C/weli Ow-Maxamuud, kadib markii qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay 02, May 2012, xilli ay halkaas xildhibaannadu u joogeen howlo shaqo.

Mudane Saacid oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar iyo wasiirrada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga ayaa waxay ubax dhigeen goobta dhimashadu ka dhacday, iyagoo halkaas ku akhriyay Qur’aan.

Hadal kooban oo uu ra’iisul wasaaruhu ka jeediyay goobta ayuu ku sheegay  in xildhibaannada halkan ku geeriyooday ay ahaayeen xildhibaanno qaran; isla markaana mudan in mar kasta madaxda iyo shacabkuba ay xasuustaan, maadaama ay naftooda ku waayeen howl-qaran.

Dhanka kale, ra'iisal wasaaraha ayaa soo eegay halkii uu kga dhashay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud, wuxuuna xusay in magaalada Dhuusa-mareeb ay taariikh gooni ah ku leedahay maadaama uu ku dhashay kuna soo barbaaray illaa dugsiga dhexena uga soo baxay.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya