4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo khudbad dhinacyo badan Taabanaysay ka jeediyay caawa Telefishinka Al-Jazeera


Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga dalka Qatar ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay caawa telefishinka Al-jazeera, isagoo markii dambena su’aalo uga jawaabay dadkii dhageysanaya khudbadiisa.

Madaxweynaha ayaa kaga hadlay khudbaddiisa arrimo ay ka mid yihiin Al-shabaab, ammaanka dalka, fikirkooda ku aaddan wadahadallada Somaliland, siyaasadda dowladdu ay kula shaqeynayso dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya iyo weliba kuwo kale oo fara badan.

“Dagaalka laguma dhameyn karo dagaal oo keliya, balse waxaan go’aan ku gaarnay inaan siinno Al-shabaab fursado ay ku hadli karaan si loo dhameeyo fikirka dagaal ee ay rumeysan yihiin,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd arrintan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan lahayd barnaamij ay ku howlgalaan, balse iyagu ay diyaar u yihiin inay si walba oo ay tahay xiriirro kala duwan ula sameeyaan ayna siinayaan fursado siyaasadeed, wuxuuna ugu baaqay ajaabinta Al-shabaab la safan inay dalka isaga baxaan, kuwa kale ee Soomaalida ahna ay la hadli doonaan, isagoo ka reebay kuwo uu ku sheegay dambiilayaal waaweyn oo caalamku uu doon-doonayo.

Sidoo kale, madaxweynaha oo si kooban uga hadlay ammaanka dalka ayaa sheegay in xilligan ay Soomaaliya ku jirto xaalad ka duwan kuwii ka jiray 20-kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna xusay in Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ku yaalla ay yihiin kuwo nabaddooda la isku halleyn karo.

“Maanta 20 safaaradood ayaa ka furan Muqdisho, xaaladda ammaan waa mid aad u wanaagsan, balse waxaan ka codsanaynaa dalalka muslimka ah in ay dalka yimaadaan. Imaanshahooda ma ahan mid aan wax uga doonayno balse waxay noo tahay mid muuqaal ahaan iyo niyad ahaan aad noogu wanaagsan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Su’aal ku saabsanayd fikirkiisa wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u dhexeeya ayuu yiri: “Midnimada Soomaaliya waa muhiim, waxaana naga go’an inaan la hadalno cid walba oo nabad doonaysa.”

Mar la weydiiyay su’aal kale oo ahayd qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sida ay ula macaamilayaan dalalka dariska la ah sida Kenya iyo Itoobiya ayuu kaga jawaabay inay u qorsheysan tahay inay kula noolaadaan nabad iyo deggenaasho, sidoo kalena ay wadaagaan khayraadka labada dhinac, isagoo sheegay in taasi ay qaybta hore kaga jirto howlahooda shaqo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu kaga hadlay maamul goboleedyada dalka, isagoo xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay dalka oo dhan gaarsiiso habka federaalka ah, maadaama ay dowladdu ku dhisan tahay hab federaal ayna tahay in dalka oo dhan uu noqdo mid federaali ah.

Dhanka kale, su’aal ahayd halka ay dowladda Soomaaliya ka taagan tahay arrimaha haweenka Soomaaliya ayaa sheegay in weligeed aan dastuurka Soomaaliya lagu darin qodob ka hadalaya arrimaha haweenka, taasna ay ahayd ku saleysnayd dhaqanka Soomaaliy, balse dowladda uu horkacayo ay dastuurka ku xustay xuquuqda haweenka, isagoo soo qaatay in wasiiradda arrimaha dibadda ee haween tahay, taasna ay muujinayso heerka ay xilligan dowladdu ka tagan tahay arrimaha haweenka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la guddoonsiiyay hadiyad weyn oo ay Al-jazeera ugu talogashay, waxaana goobta uu ka jeedinayay khudbadda ku sugnaa wafigiisa oo isugu jiray wasiirro iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya