4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Wafdigii uu Hoggaaminayay Ra'iisal Wasaaraha oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, wasiirada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, wasiir ku xigeenno, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga ra'iisal wasaaraha oo saaka safarka dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa markii ay magaalada soo gaareen si weyn loogu soo dhaweeyay barxadda saldhigga degmada halkaas oo ay kusoo urureen kumannaan kun oo dadweynaha ah oo ay ku jireen ardayda wax-ka-barta iskuullada degmadaas. Iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin ’Soo dhowaada Jaallayaal’.

Ra'iisal wasaaraha oo dadweynaha la hadlay ayaa aad ugu ammaanay sida ay isu xil-qaameen shacabka reer Caabud-waaq, una soo dhaweeyeen wafdiga dowladda ee u kuur-galaya xaaladda gobolada dalka, gaar ahaan gobollada dhexe.

Ra'iisal wasaaraha ayaa  yiri: "Dowladda Soomaaliyeed kuma eka Muqdisho oo kaliya, waxayna u kuur-galeysaa dhammaanxaaladda gobolada dalka Soomaaliyeed, waana sii wadeynaa kormeerkan." Isagoo intaas ku daray: “Soo dhaweyntan waxay na-tusinaysaa sida shacabka degmada Caabudwaaq ay u taageersan yihiin dowladdooda.”

"Waxaan idiin caddeynayaa in kaalinta dowladda aad ku leedihiin aanu diyaar idiinla nahay, adinkana waxaan idinka sugeynaa kaalinta ay dowladdu idinku leedahay inaad dhameystirtaan," ayuu mar kale yiri ra'iisal wasaaraha oo uga mahadceliyay dadka degmada sida ay isaga difaaceen Al-shabaab.

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa kula dardaarmay shacabka Caabudwaaq inay nabadda iyo is-dhexgalka ka shaqeeyaan, wuxuuna si gaar ah ula dardaarmay isagoo ku boorriyay inay nabad kula noolaadaan dadka ku nool egmooyinka iyo gobollada deriska la ah. taasoo uu sheegay inay keeni karto nabada oo horumarta.

Ra'iisal wasaaraha ayaa u balan-qaaday in dowladdu ku taageeri doonto degmada iyo gobollada dalkaba sidii ay u yagleeli lahaayeen maamul gobol oo ku waafaqsan dastuurka.

Ugu dambeyn, ra''iisul wasaaraha ayaa u mahad-celiyay maamulka gobolka, iyo kan degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardayda iyo dhamaan bulshada degmada, wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyay ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Jabuuti oo qayb libaaxleh ka qaatay sugidda amniga gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya