4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay dhallinyaro ku Eedeysan inay ka Tirsanaayeen Al-shabaab [SAWIRRO]


Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag-  ayaa maanta xukun ku riddey sadex nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Eedeysaneyaasha maanta la xukumay oo ay da’doodu  ka yartahay 20-sano, islamarkaana maxkamadda horteeda ka qirtay denbiga lagu soo eedeeyey, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna tilmaamay in xukunkani uu yimid kaddib markii la dhegeystey eedeynta xeer ilaalinta iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen.

“Maxakamaddu markii ay dhegeysatey eedda xafiiska xeer ilaalinta…difaaca qareenka…iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen..maxakamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah” Guddoomiyaha maxkamadda ayaa yiri.

Sadexda qof ee maanta ay maxkamaddu dilka ku xukuntay ayaa kala ah:

  1. Aadan Maxamed Nuur  19-jir
  2. Cabdirisaaq Axmed Sheekh  18-jir
  3. Cali  Maxamuud Cilmi  19-jir

Xukunkan ayaa noqonaya kii 3-aad ee noociisa ah, kaas oo muddo todobaad gudihiis ah ay riddo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, iyadoo tirada ilaa iyo hadda dadka dilka lagu xukumayna ay tahay 17-qof.

Waa markii ugu horeysey oo ay maxkamaddu muddo kooban tiro intaas le’eg oo dad ah ay dil ku xukunto, arintan oo ay shacabku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya