4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Xildhibaano cusub oo Maanta loo dhaariyay boosas Baarlamaanka Soomaaliya ka Bannaanaa iyo Warbixinno la dhageystay

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Laba mudane ayaa loo dhaariyay maanta  kuraas ka bannaanayd baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo labadan mudane ay buuxiyeen kursi uu mudane hore ka dhintay iyo kursi banneeyay mudane kale.

Xildhibaannada la dhaariyay ayaa waxay kala ahaayeen: Aadan Maxamed Cali oo bedelay Sheekh Nuur Cali Aadan oo dhawaan ku geeriyooday Muqdisho iyo Faarax Cawad Jaamac oo bedelay Siyaad Maxamuud Shire oo kursigan ka tanaasulay.

“Waxaan ku dhaaranaynaa inaan u hogaansami doonno sharciga dalka, una gudan doono xilkeenna si waafaqsan dastuurka dalka ayna dani ugu jirto dalka, dadka iyo diinta,” ayay mudanayaashan ku dhaarteen.

Dhaarinta kaddib ayaa wuxuu baarlmaanku gudo galay dhageysiga warbixino ay soo jeedinayaan xildhibaanno booqashooyin ku kala bixiyay gobollada dalka qaarkood, kuwaasoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u muuqdaan kuwo qaba baahi dowladeed.

Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta ay soo xaadireen in ka badan 160 mudane, iyadoo sidoo kalena ay guddigu sheegeen in lasii wadi doono kulammda lagu dhageysanayo xildhibaannada booqashooyinka kusoo kala bixiyay gobollada dalka.

Safaradda ay xildhibaannada baarlamaanku kusoo kala bixiyeen gobollada dalka qaarkood ayaa waxay noqonayaa markii ugu horreysay muddo 22-sano ah oo mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu dib ugu laabto deegaankii uu kasoo jeedo si uu ugu kuurgalo xaaladda ka jirta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya