3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Shirkada Xawaalada AMAANA oo deeq gaarsiisay dadka uu soo ritay cudurka shaban-biyoodka ee Baladweyne [Sawirro]


Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Shirkada xawaalada AMAANA ee magaalada Baladweyne ayaa gaarsiisay dadka la ildarran cudurka shuban-biyoodka deeqdii ugu ballaarneyd marka laga soo tago kaalmadii ugu danbeysay oo ay soo gaarsiiyeen dadka bukaanka ah dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Deeqda shirkada AMAANA ay gaarsiisay xarunta Ceel-jaalle ee lagu daweynayo dadka bukaanka ah ayaa la oran karaa waxaa ay aheyd mid ka tarjumeysa baahida dhabta ah ee ka jirtay xarunta caafimaad sida uu u sheegay HOL maamulaha shirkada Xassan Ibraahim Xalane.

“Marka hore waxaan si madaxbanaan qiimeyn dhab ah ugu sameynay baahida ka jirta xarunta lagu daweynayo bukaanka, waxaan ogaanay in hadda daawo ilaa xad ku filan loogu deeqay, balse ay jirto baahi ay u qabaan bukaanka in ay hellaan biyo nadiif ah iyo cabitaan ugu yaraan soo celin kara jirkooda madaama uu fuuqbax jiro, si gaar ah caruurta ayaan ogaanay in baahidaas ay qabaan waxaana ku deeqnay biyo nadiif ah, cabitaan ka sameysay Saytuun, buskudka caruurta la siiyo, iyo agabka loo isticmaalo nadaafada sida Oomada iyo Saabuuta,’’ ayuu yiri Xassan Ibraahim Xalane maamulaha shirkada xawaalada AMAANA magaalada Baladweyne.

Howl-wadeenada xarunta caaafimaad ee lagu daweynayo dadka bukaanka ah ee uu soo ritay cudurka shuban-ka ayaa dhinacooda u sheegay HOL in ay baahin weyn u qabeen gargaarka noocan oo kale ah madaama ay ka  jirtay xarunta dhibaato dhinaca biyaha nadiifta ah.

Cadadka deeqda maanta ay shirkada AMAANA geysay xarunta Ceel-jaalle ee dulleedka magaalada Baladweyne ayaa meesha ka saaraya baahidii bukaanku ay u qabeen in ay helleen biyo nadiif ah oo  ay cabaan, waxaana ka mahad celiyay gargaarka shirkada howl-wadeenada xarunta iyo dadka bukaanka ah.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay shirkada deeq kala duwan gaarsiiso dadka u jiifa cudurka shuban-biyoodka, iyadoo horay u geysay gargaar kala duwan oo ay ka mid tahay dawada loo isticmaalo joojinta fuuqbaxa.







C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
3/31/2013 12:56 PM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaamninayay ayaa caawa kulan la qaadanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka isu-tagga Imaraadka Carabta.

3/31/2013 12:41 PM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin: wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga, xildhibaanno iyo saraakiil kale ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.

3/31/2013 11:56 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Madaxweyaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta ka qaybgalay aas Qaran oo loo sameeyey Marxuun Aadan Shire Faarax (Sanweyne) oo ahaa xildhibaan golaha guurtidda oo xalay ku geeriyooday jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa oo uu daad ku qaaday.

3/31/2013 8:22 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta xukun iyo ganaax lacageed ku riday Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo dhaliilo usoo jeediyey laba wasiir oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.

3/31/2013 8:05 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta yeeshay shirweyne aan caadi ahayn oo golaha dhexe ku ansixinayo in dib loo dhigo shirweynaha xisbiga iyo in golaha dhexe lagu soo kordhiyo xubno ka yimid ururadii siyaasadda ee doorashadda golaha deeganka ku hadhay.

3/31/2013 8:04 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Laba mudane ayaa loo dhaariyay maanta kuraas ka bannaanayd baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo labadan mudane ay buuxiyeen kursi uu mudane hore ka dhintay iyo kursi banneeyay mudane kale.

3/31/2013 7:43 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa sheegtay inay ka dhisayso Muqdisho iskuul xannaano iyo waxbarasho isugu jira, taasoa qayb ka ah gargaarka ay bani’aadamnimo ee ay kawaddo dalka Soomaaliya.

3/31/2013 7:12 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay inay khasaare ugu geystay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM weerarro ay ku qaaday saldhigyo ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose oo ay ku jirto degmada Marko.

3/31/2013 6:56 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Wafdigii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo isgaarsiinta degmadaas hawada laga saaray.

3/31/2013 3:48 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Shriweynihii seddexaad ee ururka suxufiyiinta Afrika Federation of African Journalist (FAJ) oo furmay maalitii Sabtida ahayd ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Casablanca ee xarunta dalka Morocco.

3/31/2013 2:59 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kaddib markii maxkamadda sare ee dalkaas ansixisay in Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii madaxdnimo ee Kenya oo dhacday horraantii bishan.

3/31/2013 2:41 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) —Allaha u naraxiistee waxaa shalay galinkii dambe dooxa weyn ee Lafa Ruug oo ku yaalla jidka mara Berbera iyo Hargeysa, uu qaatay xildhibaan Aaden Shirre Faarax (San-weyne) oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland iyo afar qof oo la socday, inkastoo saddex ka mid ah shantaasi qof laga badbaadiyey.

3/31/2013 2:32 AM EST
Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u amabaxay magaalada Garbahaarey ee gobolka, iyadoo si weyn loogu diyaar-garoobay soo dhaweyntiisa.