4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Maxkamadda Sare ee Kenya oo Ansixisay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay Doorashadii Madaxnimo ee dalka Kenya


Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ansixisay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday horraantii bishan Maarso, natiijadii ay soo saareen guddiga doorashadana ay ahayd mid sax ah, waxaana go’aanka maxkamadda aad u soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xilka banneynaya ee Kenya, Raila Odinga oo dacwad uu ku diidan yahay natiijada u gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya.

Uhuru Kenyatta oo ah 62-jir uuna dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Kenya, Jommo Kenyatta ayaa ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenkii iyo wasiirkii maaliyadda ee Kenya, wuxuuna kaga guuleystay ninka uu loolanka adag ka dhexeeyay ee Raila Odinga codad ka badan nus malyuun.

“Waxaan horay u sheegay in doorashada aanay waafaqsanayn dastuurka oo ay u dhacday si aan hufnayn. Run ahaantii dimuqraadiyadda ayaa dalkan ku saarnayd maxkamad, tanina marnaba ma bedelayso kalsoonida aan ku qabo sharciga iyo qaanuunka, nabadgalyada dalkanna waxaa lagu adkeyn karaan oo keliya iyadoo la ogolaado dastuurka iyo go’aamada ay gaaraan hay’adaha sharciga,” ayuu yiri Odinga.

Odinga ayaa ku gacan-saray natiijadii ay doorashada ee ay horraantii bishan saareen guddigii madaxbannaanaa ee doorashada Kenya, isagooo dacwad ka dhan ah natiijadaas u gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya, balse go’aanka maxkamada ayaa ku noqday lama dhaafaan, wuxuuna hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Uhuru Kenyatta, isagoo u rajeeyay guul.

“Mudanayaal iyo marwooyin maxkamadda go’aankeedii way gaartay, inkastoo aan ku raacsanayn dhammaan waxyaabihii ay sheegtay oo dhana, ayna jirto is-damarin dhacday oo dhammaantii aad aragteen, haddana waxaan ku gowracanahay go’aanka maxkamadda, waayo maxkamadda ayaa ah hannaan dimuqraadiyadeed oo aan dadaal badan iyo halgal u soo galnay. Sidaa dareedeed waxaan wanaag u rajeynayaan madaxweynaha la doortay iyo kooxdiisa,” ayuu Odinga ku sheegay hadal uu taageerayaashiisa ugu jeediyay Nairobi go’aanka maxkamadda sare kaddib.

Doorashadan madaxweynenimo ee dalka Kenya ayaa ahayd tii saddexaad oo Raila Odinga uu ka qaybgalo, isagoo hadda 68-jir ah ayuu taageerayaashiisa u sheegay inuu la shaqenayo dowladda cusub, taasoo loo macnaystay in weli uu rajo ka qabo inuu mar kale u tartamo xilka madaxweynimo ee dalka Kenya iyo inuusan ka bixin siyaasadda.

Madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta oo dhawaan la dhaarin doono ayaa laga doonayaa inuu bisha July ee sannadkan hortago maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka isagoo loo haysto falal ka baxsan bani'aadamnimada oo dhacay doorashadii hore ee dalka Kenya 2007.

Laakiinse, taageerayaasha Kenyatta ayaa aad u soo dhaweeyay go’aanka ay gaartay maxkamadda waxayna mar labaad u dabaal-dageen guusha uu gaaray ninka ay sida aadka ah u taageersan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya