4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Shirweyne Qaran oo looga Tashanayo dib u Habeynta hay'adaha Garsoorka oo lagu qaban doono Magaalada Muqdisho

Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa wadda qaban-qaabada shir-weynaha Qaran oo looga tashanayo dib u habeynta garsoorka oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay 11-kii bishii Febraayo ee sanadkan. Shirkan ayaa wuxuu billaabanayaa 01-da April wuxuuna soconayaa illaa 05-ta isla bisha April ee isla sanadkan 2013, wuxuuna ka dhacayaa magaalada Muqdisho.

Arrimaha looga hadlayo shirka waxaa ka mid ah:

1.   Faaqidaadda caqabadaha hortaagan garsoorka;
2.   Dib-u-dhiska iyo horumarinta hay’adaha garsoorka, soo celinta kala dambeynta iyo u hoggaansiga sharciga;
3.   Talo ka bixin qorshe/siyaasad Qaran oo hagta hay’adaha Cadaaladda;
4.   Xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha garsoorka iyo dastuurka cusub IWM.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb gali-doona kana hadli doona sharci yaqaanno iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka kala yimid. Waxaa sidoo kale ka soo qeyb-gali doona wakiillo ka socda garsoorka, wasaarada cadaaladda, xubnaha baarlamaanka, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, booliska Qaranka Soomaaliyeed, hay’adda nabad-sugidda, ciidanka asluubta, ururka qareennada iyo sharci yaqaannada Soomaaliyeed, Jaamacadaha iyo goobaha cilmi-barista, culummada, hoggaamiyayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka, hoggamiyayaasha hay’adaha xuquuqul-insaanka u dooda, ururrada haweenka, khubaro caalami ah iyo dadweyne kale.

Waxa la filayaa in shirwaynahan ay kasoo baxaan talooyin dhaxal-gal ah oo dib loogu habeynayo hay’adaha ku shuqulka leh garsoorka iyo hay’adaha cadaaladda si loo gaaro cadaalad iyo kala dambeyn dhab ah.

Haddaba, ciddii doonaysa inay faahfaahin dheeraad ah ka ogaato shirkan waxay la xiriiri kartaa: Xuseen Qaasim Yuusuf oo ah ku xigeenka madaxa shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya iyo C/waaxid Qalinle oo ah la taliye waxaana kala xiriiri kartaa: [email protected] ama [email protected].

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya