4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Canada oo Shaaciyay inuu dhawaan booqan doono Dalka Soomaaliya


Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaah dibadda Kanada, John Baird ayaa sheegay in sannadkan uu booqan doono dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay dowladdiisu gacan weyn siin doonto dowladda cusub ee Soomaaliya.

Mr. Baird ayaa hadalkan ka sheegay kulan lagu qabtay xalay magaalada Ottawa ee xarunta Kanada, kaasoo looga hadlayay sii daynta Bashiir Makhtal oo sannado badan ku xiran xabsi ku yaalla dalka Itoobiya.

“Sodaalka aan Soomaaliya ku tagayo wuxuu qayb ka yahay dadaal aan ku caawinayso dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana ka caawin doonnaa dhinaca ammaanka,” ayuu yiri wasiirka oo sharraxayay booqashada uu ku tagayo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kanada wuxuu sheegay in dowladdiis ay  si toos ah ula shaqeyn doonto dowladda cusub ee Soomaaliya ayna ugu talogaleen kaalmooyin fara badan maadaama ay kasoo kabanayso Soomaaliya coalado badan oo ragaadiyay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore soo gaarayay mas’uuliyiin sarsare oo ka socda caalamka, kuwaasoo uu ka mid ahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska William Hague, kaaliyaha arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Johhnie Carson iyo mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay inuu booqan doono dalalka Carabta ee ku yaalla bariga iyo kuwa Islaamka, taasoo uu ku macneeyay inay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka Kanada iyo dalalka Carabta oo mugdi galay.

Khilaafka dalalka Carabta iyo Kanada soo dhexgalay ayaa salka ku haya kaddib markii dowladda ay iskaashi xoog leh la yeelatay Israa’iil oo cawaad badan ay kala dhexeyso dalalka Carabta ee bariga ku yaalla iyo kuwa Islaamka.

Xiriirka u dhexeeyay dalalka Kanada iyo Imaaraadka Carabta oo ahaa mid aad u wanaagsan ayaa waxaa soo dhexgalay mugdi, iyadoo dadka u dhashay dalka Kanada ee doonaya inay booqdaan Imaaraadka lagu xujeeyo Fiiso, halka markii hore ay ka qaadan jireen garoomada diyaaraha dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya