4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti oo markii ugu Horreysay gaaray Gobolka Galguduud

Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ay weliyaan ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo saakay ka ababaxay magaalada Baladweyne ayaa gaaray deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud bartamaha Soomaaliya.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ciidamada hor kacaya ayaa sheegay in ay halkaa u tageen xaqiijinta amniga gobollka oo ay dhawaan booqan doonaan wafdi sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wariye la socda ciidamada oo la hadllay HOL ayaa sheegay in xiligan ay ku sugan yihiin degmada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud horayna u soo mareen ciidamada AMISOM degmooyinka Matabaan iyo Guri-ceel.

Guddoomiyaha gobollka Galguduud ee dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Ciyoow ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howlgalka midowgga Africa AMISOM iyaga oo xaqiijin doona amniga degmooyinka gobollka ka hor inta aysan gaarin wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdiga dowladda federaalka ee tagi doona gobollka Galguduud ayaa lagu wadaa in ay booqashooda qaadato ilaa sadax cisho waqtigii oo ay halkaa ku sugnaa donaan ciidamada AMISOM.

Gobollka Galguduud waxaa intiisa badan maamula oo gacanta ku haya xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo bilihii ugu danbeeyay dhinaca siyaasada isaga soo dhawaanayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya