4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Xarakada Al-shabaab oo lacago shilin Somali ah ku gubtay Deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Sida ay u xaqiijiyeen HOL dadka deegaannka Halgan xarakada Al-shabaab ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay meel fagaaro ah ku gubay lacag shil Soomaali ah oo lagu sheegay cadadkeeda ilaa 25 milyan.

Mid ka mid ah dadka deegaannka Halgan oo ayaa sheegay in lacagta la gubay isugu jirtay lacago ay lahaayeen ganacsatada deegaanka iyo mid ay lahaayeen dad u soo ganacsi tagay tuulada Halgan.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in lacagahan ay gubeen ahaayeen kuwo been abuur ah oo sida ay hadalka u dhigeen la doonayay in suuqa si qalad ah loo galiyo, waxaana ay ku war-galiyeen ganacsatada deegaannka in aysan isticmaali karin lacagaha noocaas oo kale ah.

Halgan waxaa ay 41km dhinaca W/qooyi kaga beegan tahay degmada Buula-burte, waxaana deegaannkaas gacanta ku haya xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya