4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Roobab khasaarooyin geystay oo saacado fara badan ka da'ayay Deegaanno ku yaalla Galbeedka Gobolka Nugaal

Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Roobab muddo saacado ah socdey isla markaana watey dabeylo  aad u xooggan, ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay galbeedka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Roobka xooggiisa ayaa ku hooray dooxooyinka Ceel-weyne iyo Ceel-qaanso oo ku yaal baadiyaha u dhexeeya deegaanka Meygaagle iyo degmada Buurtinle, halkaasoo ah dhul-daaqsimeed reer guuraagu aad ugu badan yahay. Daadad ka dhashay biyaha roobka ayaa galaaftay nolosha - ku dhowaad - 200 oo neef oo geel iyo ari isugu jira, haseyeeshee ma jirto ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah oo halkaas laga soo sheegay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan xiriir la sameynay ayaa tilmaamay in roobku uu ahaa mid watey dabeyl xawaare sare ku socota, taasoo dhalisay in dabeyshu ay riddo in badan oo kamid ah dhirta waaweyn.

Tirada xoolaha bakhtiyey ayaa lagu soo warmayaa in ay tahay ugu yaraan 140-neef oo ari ah iyo in ka badan 20-neef oo geel ah. Roobabkii guga ee sanadkii hore ayaa sidan oo kale diley boqollaal neef oo ari ah iyo ugu yaraan 5qof, kuwaas oo dhamaantood xoolo dhaqato ahaa.

Xilli roobaadka guga ayaa ah mid sanad walba ka da’a gobollada dalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dhowaan roobabka gugu uga curteen gobollada Bari, Mudug, Sool iyo Karkaar oo dhamaantood ka tirsan Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya