4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Hay’adda Sirdoonka Itoobiya oo shaacisay inay Qab-qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab oo Afduub geysan lahaa


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Hay’adda sirdoonka dalka Itoobiya ayaa Isniintii shalay sheegtay inay xirtay sideed xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaasoo doonayay inay afduubaan shaqaale ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay.

Howlgallo ay sameeyeen ciidamada dalka Jabuuti ayaa lagu soo xiray raggan oo la sheegay inay afduubaan shaqaale ajnabi ah oo u shaqeynayay WFP oo ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ayna u wataan gudaha Somalia si ay madaxfurasho u weydiistaan dalalka ay kasoo jeedaan.

“Sideeddan ruux waxaa lagu qabtay hubkii ay doonayeen inay howgalka ku fuliyaan,” ayaa lagu yiri war ay soo saareen hay’adaha ammaanka iyo sir-doonka dalka Itoobiya.

Kooxdan ayaa la sheegay inay doonayeen inay afduubka ka geystaan xero qoxooti oo ku taalla deegaanka Dolow Addo ee bariga dalka Itoobiya, taas oo ay ku jiraan qoxooti Soomaaliyeed oo ka cararay colaadaha iyo abaaraha Soomaaliya ka jira.

Hay’ado badan oo ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwo gargaarka bani’aadamnimo ayaa ka shaqeeya dhulka oomanaha ah ee ku yaalla soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Arrintan ayaa waxay imaanaysaa laba bilood kaddib markii xukuumadda Itoobiya ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay 15 oo looga shakiyay inay ku soo tababarteen saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay gudaha Soomaaliya.

Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan xukuntay 10 ruux oo la sheegay inay diyaarinayeen qorshayaal ay ku bar-tilmaameedsanayaan dhaqaalaha dalka Itoobiya.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya oo aan arrintan ka hadlin ayaa horay ugu hanjabtay inay dalka Itoobiya la beegsan doonto weerarro aargudasho ah oo salka ku haya fara-gelinta milateri ee ay Soomaaliya ku sameysay.

Itoobiya ayaa waxay dagaalyahannada islaamiyiinta ee Soomaaliya la dagaalamaysay intii u dhexeysay sannadihii 2006 illaa 2009, iyadoo dib ugu laabatay Soomaaliya sannadkii 2009 si ay ula dagaalanto Al-shabaab, welina waxay ciidamadeedu ku jiraan Soomaaliya.

Dagaallada ka socda Soomaaliya oo ay qaybta ka tahay AMISOM ayaa Al-shabaab dhul ballaaran looga qabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo ay ka mid tahay magaalada Kismaayo oo bishii September ee sannadkii hore laga qabsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya