4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Roobab Dhaliyay Daadad sababay khasaarooyin nafeed iyo mid Hantiyeed oo ka Dalka Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan labaatameeyo kalena way ku dhaawacmeen kaddib roobab xoog leh oo ka da’ay dalka jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasoo ay sannadihii lasoo dhaafay ka di’in wax roobab ah.

Daadad ka dhashay roobabkan ayaa burburiyay guryo fara badan, iyadoo dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay lagu daadgureeyay diyaaradaha ay leeyihiin milateriga dalkaas ee qumaatiga u kaca, waxaana roobabkan ay noqonayaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka da’a sannadahan.

Isbitaalka magaalada Jabuuti ayaa la dhigay dhaawacyada dadkii ay kasoo gaartay waxyeellada daadadka ka dhashay roobabka, kuwaasoo u badan caruur iskuullada dalkaas dhigayay oo ay guryo ku dumeen.

Xukuumadda dalka Jabuuti ayaa sheegtay in musiibadan ay tahay mid dabiici ah, daadadka ka dhashay roobabkuna ay khasaarooyin badan ka geysteen guud ahaan dalka Jabuuti.

Howgallada lagu caawinayo dadka ay daadadku saameynta ku yeesheen ayaa si guud uga socda dalkaas oo ka mid ah dalalka ku yaalla Bariga Afrika, iyadoo tani ay noqonayso dhibaatadii ugu ballaarnayd ee ay roobabku da’ay ay ka geysteen muddo sannado ah.

Dalka Jabuuti ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ku teedsan badda cas ee kuleylaha ah, iyadoo aysan ka di’in roobab fara badan, waxaase sannadaha qarkood ka da’a roobab sidan oo kale khasaarooyin badan geysta.

Xilliga ayaa dalka Jabuuti waxaa ka jira qabow, iyadoo dadka qaarkood ay u sheegeen warbaahinta in qabowga sannadkan jira uu aad uga duwan yahay kuwii hore kana qabow yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya