4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Arday loo Fasaxay Roobab xooggan oo Waxyeeleeyay dhismaha Iskoolkoodii oo ka sameysan dhis iyo baco (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Arday wax ku baranaysay dugsi ood ka sameysan oo ku yaalla deegaanka Manaas ayaa la fasaxay kaddib markii roobab mahiigaan ah ay waxyeello u geysteen dugsigooda, waxana ay ka cawdeen macallimiinta gusigaas inaysan helin kaalmooyin ay dugsiga ku dhisaan.

Deegaanka Manaas waa deegaan Qadiimi ah oo taariikh ahaan ka wayn magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo qiyaastii 30-km ay ka jirto dhinaca Koonfur-galbeed 30-km.

Macallin Mustaf Abshiroow oo ka mid ah macallimiinta iskuulkaas oo warbixin ka bixiyay iskuulka ayaa sheegay inay haysato dayactir la’aan aan waxba loo qaban, maalin waliba waxaa noo yimaada dad ka socda hay’ado kuwaasoo uu sheegay inaysan waxba u qaban.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhinaca buugaagta iyo dhiirri-gilin ay hadda ka hor ka heli jireen hay’ad maxalli ah ee layiraahdo SKY oo xafiis ku leh magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, tababarrana siisay macallimiinta.

Ugu dambeyn, macallin Abshiroow waxuu yiri annaga waxaan u baahan-nahay dhismo saddex qof iyo musuqulahooda ah, waxaan doonaynaa cid noo dhista iskuulkeenna oo nagu taakuleysa EEBBENA uu ajar ka siiyo.

Hiiraan Online, Baydhabo