4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Shiikh Axmed Madoobe oo Maanta Gaaray Degmada Kismaayo ee Jubbada Hoose [SAWIRRO]



Sabti, 23 Maarso, 2013(HOL) - Wafdi uu horkacayo gudoomiyaha maamulka KMG ee degmada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyagoona kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay afhayeenka  maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar taliyaha ciidamada guutada 1-aad ee gobolka Gedo Col Cabaas Ibraahim Gureey, afhayeenka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Col Warfaa Sheekh Aadan iyo Saraakiil kale, waxaana markii uu wafdigu soo gaaray garoonka magaalada Kismaayo si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka maamulka KMG ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer).

Sheekh Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in maalmo kadib uu dib ugu soo laabto magaalada, isagoona sheegay in ay si guul ah ugu soo dhamaadeen howlihii ay u tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Masuulkani ayaa sheegay in muhiimada howlaha ay u aadeen halkaasi ay ahayd arinta shirka maamul u sameynta Jubooyinka, wuxuuna xusay in arimahaasi oo dhan ay usoo dhamaadeen ayna filayaan in shirka laga guul gaaro.

Sidoo kale Afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo oo isna meesha ka hadlay ayaa sheegay in howlihii ay u aadeen dalka Kenya ay si weyn ugu soo dhamaadeen, wuxuuna intaa ku daray in dhawaan ay magaalada kusoo dhaweyn doonaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kaasoo uu xusay in ay rajeynayaan in ay ka qeybqaadan doonaan dadaallada ka socda magaalada Kismaayo ee la doonayo in maamul loogu dhiso gobollada Jubooyinka.

Imaatinka wafdigan ka soca dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimada Isniinta ee fooda nagu soo heyso la filayo in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

 



Xasan Nuur, Hiiraan Online.
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.