4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Xildhibaan Faadumo Ileeye oo ahayd Haweeneydii keliya ee ku jirtay Golaha Guurtidda Somaliland oo xilkii Is-casishay

Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Xildhibaanad Faadumo Jaamac Ileeya oo ka mid ah golaha Guurtidda Somaliland, ayaa maanta laga aqbalay iscasilaad ay golaha u soo gudbisay ka dib markii afar sanadood ay kali ku ahayd golaha Guurtidda.

Fadhigiii maanta ee golaha Guurtidda oo uu shirgudoominayey gudoomiye ku xigeenka 2aad Siciid Jaamac Cali ayaa laga hor akhriyey iscasiladda ay golaha ka dalbaday in laga ogolaaddo inay banayso xilkii ay ka haysay golaha Guurtidda, waxaana si aqlabiyad ah loogu ogolaaday iscasiladaasi ay soo dalbatay.

Iscasilaaddan haweenaydan ku kalidda ahayd golaha Guurtidda ayaa waxa ka ogolaaday inay xilkaasi banayso 45 xildhibaan, halka laba mudane ka aamuseen, gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeya ayaa sheegtay markii laga aqbalay iscasiladeeda inay ku kaliftay inay jagadaasi banayso ka dib markii ay ku kaliyeysato golaha, isla markaaana afar sanadood ay kaligeed ka ahayd wax haweenay ah, taasina ay ku adkaatay in 82 xildhibaan ee ay ka kooban yhiin golaha Guurtiddu ay ku sii jirto.

“Waxaana waayey bidhaantii dumarka  Muddo afar sanno ah,  waxaan ku jiray golaha guurtida taasi oo aan keli ku ahaa, waxaana iga soo dhacday kali nimada  waxayna ila noqotay in aan booskii baneeyo  meeshuna maaha meel loo soo gudbi karo, markii horena waan  ogaa in aanay haween kale ku jirin, balse  waxaan arkay in aanay jirin wax kale oo haween ah oo ku soo fool leh golaha”ayey tidhi Xildhibaan Faadumo ileeyo oo ka hadlaysay sababta ay iskaga casishay xilkaasi.

Faadumo  Jaamac oo ah haweenayda kaliya ee ku jirta golaha Guurtidda, isla markaana ah haweenay sheekhadda, ayaa sheegtay in aanay haweenku ku habooneyn golahan Odayaasha, isla markaana kali ku noqotay golaha, taasina ay ku dhalisay inay xilkaasi ay u haysay golaha banayso, madaama oo ay adagtahay inay haweenku soo galaan golaha guurtida, isla markaana si nasiib ah ay iyadu uga mid noqotay golaha ka dib markii odaygeedii oo golaha guurtidda ka mid ahaa ku geeriyooday qaraxii 2008 dii ka dhacay xarunta madaxtooyadda, sidaasna Faadumo loogu soo bedelay.

Haseyeeshee iscasilaadan ayaa waxa ka naxay haweenka Somaliland oo baryahan dambe u ololeyn jiray inay baarlamaanka kooto laga siiyo, maadaama oo haweenku doorasho ku soo bixi karin.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland