4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa Hargeysa kula Kulmay Ganacsato u dhashay dalka Yemen (SAWIRRO)


Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ganacsato ah oo ka socda dalka Yeman.

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay nin Ganacsade ah oo weyn oo la yidhaahdo Cabdul-xaaq oo dalka Yeman u dhashay iyo wefti sare oo ka socda dawladda Yeman iyo Ganacsato kale oo uu Hoggaaminayo, ujeedada weftigaasi ay u socdeen ee ay dalka u yimaadeen waxay ahayd sidii ay u indho indhayn lahaayeen dalka, iyagoo damacsan inay maal-gelin ku sameeyaan dalka.” ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo warbaahinta uga waramayey weftiga madaxweynaha la kulmay, waxaanu intaas ku daray.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku daray: “Madaxweynaha Somaliland waxa uu weftigan tafaasiil ka siiyay sida loogu soo dhaweynayo dalkan cid kasta oo u timaada wadankan Maal-gelin iyo waxtar. Waxaanu u sheegay inay ku soo dhawaynayaan Somaliland, waxaanu tilmaamay inay Somaliland abuurayso saaxad ay cid waliba timaado isla markaana ay abuurtay saaxad nabad-gelyo oo lagu ganacsan karo, siyaasadda dawladduna ay tahay mid fur-furan oo cid kasta oo dalkan wax u qabanaysaba ay la macaamili karto,”

Sidoo kale, afhayeenka madaxtooyadu wuxuu sheegay in weftigan ka socday dalka Yeman ay Madaxweynaha uga mahad celiyeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay, waxaanay madaxweynaha u sheegeen inay u socdaan sidii ay maal-gashi ugu samayn lahaayeen Somaliland oo ay ku tilmaameen dal u qalma in la maal-gashado.

Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu weftigan gudoon siiyay hadyado la xidhiidha agabka hidaha iyo dhaqanka Somaliland, halka weftiguna ay madaxweynaha gudoon siiyeen hadyado ay ugu tallo galeen.





Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland