4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Taliyaha ciidamada Booliiska Gobolka Bay oo ku dhaawacay Weerar Maanta ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada gobolka Bay ee gobolka Bay, Mahad C/raxmaan ayaa ku dhaawacmay weerar maanta ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo weerarkaas lagu dilay darawalkiisii.

Dhaawaca taliyaha ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, iyadoo kooxihii weerarka ku qaadayna ay goobta ka baxsadeen, mana jirto cid sheegatay in ay ka dmabeysay weerarkaas.

“Taliyuhu wuxuu dhaawacmay, wuxuuna kusoo socday Muqdisiho markii la weerarayay, dhaawiciisu waa mid fudud, waxaase dhintay dawalkii gaariga u waday,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaaladii la socday taliyaha oo la hadlay qaar ka mid ah warabaahinta Soomaalida.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga uu taliyuhu la socday oo kuwa dagaalka ah, iyadoo weerarkan uu ahaa mid ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, waxaana kooxihii fuliyay ay isla markiiba ka baxsadeen halkii uu weerarku ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan gobolka Bay ayaa ku eedeeyay weerarkan inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab inkastoo aysan weli ka hadlin inay ka dambeysay weerarka iyo in kale.

Wararka ayaa sheeagaya in dhaawaca taliyaha booliiska gobolka Bay loosoo qaaday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo uu markii horeba ku soo socday, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo waxyeello loogu geysto saraakiisha ciidamada ee gobolka Bay.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo oo xirnaa afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa dhawaan dib u furay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya, kaddib markii ay Al-shabaab ka qabsadeen degmada Buur-hakaba ee gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya