4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2013
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo La Kulamay Ardayda Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama [SAWIRRO]


Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa maanta kulan la qaatay ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama. Kulanka ardeyda iyo Prof. Samatar ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay maamulka jaamacadda iyo mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, wuxuuna si diiran usoo dhoweeyey aqoonyahan Samatar, isagoo intaas kadibna ka sheekeeyey taariikhda jaamacadda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga ee Somaliland Cabdilaahi Geel-jire oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay in dadka iyo dalka Somaliland ay sharaf u tahay in uu soo booqdo Prof. Samatar oo uu ku tilmaamay in uu yahay halyey qaran.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay wasiirka wasaaradda beeraha Faarax Cilmi Geedoole, wuxuu isna dhankiisa wax lagu farxo ku tilmaamay imaatinka Prof. Samatar, isagoo intaas raaciyey in uu kusoo beegmay xilli aad loogu baahnaa.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ugu danbeyntii hadalka qaatay, ayaa madasha ka jeediyey khudbo qiiro leh taasoo uu kaga hadlay arimo badan oo ay kamid ahaayeen: dimuqraadiyadda, siyaasadda, awoodda iyo maamul wanaagga.

Mudane Samatar ayaa da’yarta ku dhiiri geliyey in ay dhismaha dalka ka shaqeeyaan, islamarkaana ay sameeyaan baaritaan xeeldheer oo ku aadan culuumta ay baranayaan, si gaar ah wuxuu ugula dardaarmay in ay badiyaan adeegsiga internetka; si ay macluumaad badan u helaan.

Ugu danbeyntii wuxuu Prof. Samatar ka jawaabey su’aalo ay weydiiyeen qaar kamid ah ardayda wax ka barata jaamacadda Camuud. Mar wax laga weydiiyey qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland wuxuu ku gaabsaday in ay lagama marmaan tahay in bulshada Somaliland ay marka koowaad dhexdeeda is ictiraafto, dowladuna ay cadaalad iyo hufnaan ku shaqeyso.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah, kana mid ahaa musharrixiintii u tartamay xilka madaxweynaha ee Soomaaliya – doorashadii 2012- wuxuu axaddii lasoo dhaafay ka degey caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Khadra Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia