4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya

xasan-shiikh-Iyo-Uhur.jpg
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Keyatta ayaa kulan ku yeeshay shalay oo Talaado ahayd madaxtooyada Kenya, kaasoo ay labada mas’uul uga hadleen xiriirka labada dal u dhexeeya.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa waxay labada mas’uul diiradda ku saareen iskaashi dhexmara labada dal iyo danaha ka dhexeeya, waxaana sidoo kale ay kaga hadleen amaanka iyo xal u helidda Soomaaliya.

Inkastoo kulankooda aysan wax faahfaahin ah ka bixin ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan inay isku afgarteen dhammaan qodobbadii ay kaga hadleen kulankooda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay afadiisa, Qamar Cali Cumar, wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya ayaa waxaa isagana kulanka kala qayb-galay afadiisa  Margaret Kenyatta iyo xoghayihiisa joogtada ah, Thuita Mwangi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay dalka Japan oo uu kaga qaybgalay shirkii horumarinta Qaaradda Afrika ayaa wuxuu Kenya ku yimid booqasho saddex maalmood qaadanaysa.

Kulanka labada madaxweyne ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Xasan Sheekh uu warbaahinta ka sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay ka gudbeen waajibaadkoodii shaqo, ayna diideen inay amniga xildhibaanno ay dowladdu magaaladaas u dirtay sugaan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku sheegay kulan uu kula yeeshay Japan madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto in xukuumadda Soomaaliya aysan wax dagaal ah kula jirin dalka Kenya, ayna ku faraxsan yihiin howsha ay ciidamadoodu ka hayaan Koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmo maanta oo Arbaco ah madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole oo safar ku jooga Nairobi, waxayna kulankooda kaga hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin dastuurka iyo maamulka Jubbaland oo bishii hore looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

Wararka laga helayo Nairobi ayaa waxay sidoo kale sheegayaan inuu ku sugan yahay halkaas madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Madoobe oo laga yaabo inuu kulan la yeesho madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya