3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Ciidamada Ammaanka Puntland oo Magaalada Boosaaso ku qabtay Sarkaal la sheegay inuu Al-shabaab ka Tirsanaa

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa howlgal ay shalay gelinkii danbe ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxay kusoo qabteen nin la sheegay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Howlgalka ninkan lagu soo qabtay oo qaatay muddo kooban ayaa ka dhacay xaafadda Laanta-Hawada, gaar ahaan jidka gala garoonka diyaaradaha ee hormara istaadiyamka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo waxyar kaddib markii uu howlgalkaasi dhacay la hadlay warbaahinta gudaha iyo midda caalamiga ah, ayaa ka warbixiyey ujeedada howlgalka iyo weliba cidda ay kusoo qabteen.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada howlgalku ay ahayd sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaasoo ka yimid dhinaca gobollada koonfureed, islamarkaana ay laamaha ammaanku labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku raad joogeen.

Rasaas qadar kooban socotey oo dhex martay ninkan iyo ciidamada ayaa waxaa ku dhintay qof rayid ah oo goobta ka ag dhowaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay isla ninka ay ciidamadu shalay qabteen ee la sheegay in uu ka tirsan yahay AL-shabaab.

"Ninkaas muddo dhowr iyo toban cisho ah ayaan daba joogney isaga iyo rag kale oo magaalada ku jira, waxaanna ku dadaaleyney inaan si nabad ah ku qabano, maanta ayeyna noo suurta gashay, howgalladuna weli way socdaan" Wasiirka amniga Puntland ayaa yiri.

Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin dheeri ah ka bixiyo arintan ninkan oo aan ilaa iyo hadda magaciisa la shaacin, wuxuuna intaas raaciyey in maalmaha soo socdo loosoo bandhigi doono qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari -xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland- ayaa bilihii u danbeeyey ahaa mid aad u wanaagsan, iyadoo aysan ka dhicin haba yaraatee falal ammaanka liddi ku ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
6/5/2013 6:45 PM EST
Arbaco, June 6, 2013(HOL)— Ururka Somaliska Ungdomsnätverket (SUN) ee ka dhisan magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden ayaa wuxuu ku guuleystay abaalmarin sanadle ah oo ay degmada Eskilstuna bixiso, taasi oo la siiyo ciddii loo garto in ay gacan ka geysatay dhowrista deegaanka.

6/5/2013 4:12 PM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay tiro kalena way dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal maanta ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray gobolka Bay.

6/5/2013 4:05 PM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, isagoo sheegay inay ugu dambeysay muddo 40-sano ah balse uu aad ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto.

6/5/2013 4:05 PM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa muddo labo cisho ah wada-hadal ku yeeshay xarunta madaxtooyada Nagana ee gobolka Nyere ee dalka Kenya.

6/5/2013 4:05 PM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Tababar muddo toddobaad ah u soconayay tababarayaal caafimaad ayaa maanta lagu soo gabgabeeyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ka qaybgalayaashii loo soo xiray tababarka la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo agab caafimaad iyo dawooyin.

6/5/2013 11:02 AM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa shaacisay magaca nin la sheegay in uu yahay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kaasoo shalay ay ciidamada ammaanku howlgal ay magaaalada Boosaaso ka sameeyeen kusoo qabteen.

6/5/2013 10:38 AM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Aroornimadii hore saaka aabaarihii 03:15 daqiiqo saacadda London ayaa waxaa dab la qabadsiiyay duqsi lagu barto Qur’aanka kariimka iyo daruusaha kale ee Islaamiga ah oo ku yaalla waqooyiga London.

6/5/2013 10:13 AM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dambiyada ugu badan ee ka dhaca gudaha Soomaaliya ay 63% geysato Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya.

6/5/2013 7:36 AM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay dadka lagu soo qabqabto howgallada ka socda degmooyinka gobolka Banaadir iyo ciidamada hubka wata aan xiran dharka caadiga ah.

6/5/2013 7:24 AM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo guri-guri ah oo ay maanta ka sameeyeen degmada Shibbis ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof oo u badan dhallinyaro.

6/5/2013 7:13 AM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Maamulka goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya ayaa ku wargeliyay hay’adaha samafalka ee ka holwgala deegaannada uu maamulkaas ka taliyo inay is-diiwaangeliyaan, waxaana hadalkan ku dhawaaqay madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

6/5/2013 7:00 AM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Keyatta ayaa kulan ku yeeshay shalay oo Talaado ahayd madaxtooyada Kenya, kaasoo ay labada mas’uul uga hadleen xiriirka labada dal u dhexeeya.

6/5/2013 3:07 AM EST
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda xafiiska cusub siyaasadda ee Qaramada Midoobey UNSOM ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay maamulka gobalka Baay iyo qaar ka tirsan qaybaha kala duwan ee arrimaha bulshada.